Gaari Loo Diyaarinayey Qarax Ismiidaamin Ah Oo Ku Qarxay Buuloburte * Mareeg.com somalia, World News and Opinion.
Mareeg Media
Somalia

Gaari Loo Diyaarinayey Qarax Ismiidaamin Ah Oo Ku Qarxay Buuloburte

Muqdisho – Mareeg.com: Wararka ka imaanaya degmada Buulo-burte ee gobolka Hiiraan ayaa sheegaya inuu halkaas ka dhacay qarax weyn, kaasoo loo maleynayo inuu ka dhashay gaari loo diyaarinayey qarax ismiidaamin ah oo laga geysto Baledweyne.

Wararku waxey dheegayaan inuu qaraxaasi ka dhacay guri ku yaalla xaafadda Oktoobar ee degmada Buulo-burte ee gobolka Hiiraan.

Col. Maxamed Amiin oo ah abaanduulaha ciidanka guutada 10-aad ee ciidanka xoogga dalka ee gobolka Hooraan ayaa sheegay in qaraxa uu ka dhashay gaari laga buuxiyay walxaha qarxa oo ay Alshabaab dooneysay inay u dirto magaalada Beledweyne.

Maxamed Amiin ayaa sheegay inay sidoo kale ka war hayaan booyad laga soo buuxiyay walxaha qarxa oo Al-Shabaab ay ka soo dirtay magaalada Buulo-burte si ay qaraxyo uga geysato xarunta gobolka Hiiraan.

Ma jiro wax war ah oo wali ka soo baxay Al-Shabaab oo la xiriira qaraxa la sheegay inuu ka dhacay degmada Buulo-burte oo saldhig weryn oo Alshabaab.

Dhawaan ayay aheyd markii ay soo baxeen warar sheegaya in qaraxa nuucaan oo la diraarinayey ka dhacay deegaanka Buulo Mareer ee gobolka Shabeellaha Hoose.

Mareeg.com

Get real time updates directly on you device, subscribe now.

Comments are closed.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More

Do NOT follow this link or you will be banned from the site!