Gaari lagu xiray qarax oo lagu qabtay Xeebta Liido

Mareeg.com: Gaari qarax lagu xiray ayaa maanta lagu arkay xeebta Liido ee degmada C/caziiz ee magalaada Muqdisho, xilli ay halkaas u damaashaad tageen kumanaan shacab ah maalmaha ciidulfidriga.

Gaariga ayaa la dhigay maqaayad lagu magcaabo Beach-View oo ku taala xeebta Liido ee degmada Cabdicasiis ee gobolka Banaadir. Gaariga aya ciidamada ku shaqada leh qaraxyada ka fureen walxaha qarxa ee lagu xiray.

Gudoomiyaha degmada C/caziiz, Cusmaan Muxudiin Cali ayaa warbaahinta u sheegay in gaariga qaraxa lagu xiray uu lahaa qof shacab ah, kaasoo ka mid ahaa muwaadiniinta u damaashaad tegay xeebta Liido.

Cusmaan Muxudiin Cali ayaa sheegay in shacabku kusoo wargeliyeen maamulka in gaarigaas uu ku xiran yahay qarax, islamarkaana sidaas qaraxa lagu fashiliyey ooo usan jirin qof wax ku noqday.

Afhayeenka wasaaradda Amniga Qaranka Soomaaliya Maxamed Yuusuf oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in qaraxu ahaa mid la doonayey in lagu khaarijiyo muwaadin Soomaaliyeed oo lahaa gaari NOAH.

Maxamed Yuusuf ayaa sheegay in dowladda Soomaaliya abaalmarineyso dadkii soo sheegay in gaarigaas uu qarax ku xiran yahay.

Todobaadkii hore ayay aheyd markii qarax sidaan oo kale loogu xiray gaari uu watay weriye Maxamed C/llaahi Xaaji oo ka tirsan Radio Muqdisho la fashiliyey, hase ahaatee qaraxaasi burburiyey gaarigii weriyaha.

Mareeg Media

 

About A warsame 9751 Articles
Published by A Warsame .He can be reached by news@mareeg.com or Mobile :+447737886245