Gaari lagu rasaaseeyay duleedka Beladweyne.

Read Time:37 Second

Beladweyne ( Mareeg News)  Guddoomiye ku xigeenka amniga ee maamulka gobalka Hiiraan Xuseen Cusmaan Maamin ayaa Idaacadda kulmiye u sheegay in koox hubeysan ay rasaaseeyeen Gaari Homey oo ay saarnaayeen dad shacab ah.


Guddoomiyaha ayaa sheegay in dadka lagu rasaaseeyay duleedka magaalada Beladweyne ee xarunta gobalka Hiiraan waxa uuna ka baxay Gaarigaasi magaalada Muqdisho.


Rasaasta ayaa waxaa ku dhaawacmay 4 qof oo ay ku jiraan Hooyo iyo Canug yar oo ay dhashay waxaana dadkaasi la dhigay Isbitaalka magaalada Beladweyne ee Xarunta gobalka Hiiraan.

Falkaan ayaa waxaa geestay Koox maleeshiyo ah oo hubeysan waxaana la sheegay in ay goobta ka baxsadeen weerarka kadib.


Maamulka gobalka ayaa sheegay in ay ku raad joogaan Kooxdii falkaas fulisay

About Post Author

Ahmed weheliye Gaashaan

freelance journalist covering events in Somalia, SocialActivist, writer, PoliticalAnalyst .contact gaashaan1960@gmail.com
Happy
Happy
0 %
Sad
Sad
0 %
Excited
Excited
0 %
Sleepy
Sleepy
0 %
Angry
Angry
0 %
Surprise
Surprise
0 %