Gaari laga soo buuxiyey waxyaabaha qarxa oo caawa lagu qabtay garaash ku yaala Muqdisho (Daawo Sawirrada) * Mareeg.com somalia, World News and Opinion.
Mareeg Media
Somalia

Gaari laga soo buuxiyey waxyaabaha qarxa oo caawa lagu qabtay garaash ku yaala Muqdisho (Daawo Sawirrada)

Gaari la sheegay in laga soo buuxiyey waxyaabaha qarxa ayaa lagu qabtay caawa Garaash ku yaalla degmada Hodan ee gobolka Banaadir.

Wararka ayaa sheegaya in gaarigan lagu xareeyey caawa garaash lagu magacaabo howlaga guud oo ku yaalla xaafada Sei-biyaano ee degmada Hodan si halkaas subixii looga wato.

Dad goobta ku sugnaa oo ka shakiyey gaarigan ayaa ciidamada dowlada ku wargeliyey arintaas, iyadoo ciidamada oo halkaas gaaray markii dambe ay xaqiijyeen in gaariga ay saaran yihiin waxyaabaha qarxa, iyagoo ka dibna si amaan ah u kala furfuray.

Saraakiisha amaanka ayaa sheegay in gaarigan miineysan la damacsanaa in weeraro looga fuliyo magaalada Muqdisho balse la fashiliyey, mana cadda illa hadda halka loo waday.

Sidoo kale waxay sheegeen saraakiishu in gaarigan ay saarnaayeen hub kala duwan oo ay kamid yihiin Gantalaha Garabka laga Tuuro, Qoryo AK-47, Boolal loogu talagalay marka uu gaarigu qarxo iney waxyeello baahsan geystaan iyo waxyaabo kale.

Al-shabaab ayaa bishan Ramadaan ka geysatay magaalada Muqdisho weeraro ismiidaamin ah iyo dilal kala duwan oo dad badan lagu laayey qaar kalena ay ku dhaawacmeen.gaarila_qabtay2gaarila_qabtay4

Get real time updates directly on you device, subscribe now.

Comments are closed.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More