Gaari la miineey oo xalay ku qarxay garaash ku yaalla degmada Hodon
Mareeg.com: Gaari miino lagu xiray ayaa xalay ku qarxay garaash ku yaalla agagaarka Shaneemo Hodon ee magaalada Muqdisho.
Wararka ayaa sheegaya in dad ku sugnaa garaashka ay ogaadeen in gaari halkaas yaalla uu qarax ku xiran yahay, islamarkaana la wargeliyey ciidamada amaanka.
Qaraxa ayaa dhacay ka hor intaan ciidamadu soo gaarin goobta garaashku ku yaalla, taasoo ah inta u dhaxeysa Isgoysyada Dabka iyo Bakaaraha, gaar ahaan meel ku dhow Iskuulkii Dhagax-ruur iyo Shaneemo Hodon.
Lama sheegin khasaare aadane oo ka dhashay qaraxaas, waxaana ciidamadu saaka halkaas geeyeen khubaro dheeraad ah oo baaritaan ku sameeya falkaas.
Dhawaanahaan waxaa Muqdisho kusoo badanayey qaraxyada lagu xiro gaadiidka ee lagu bartilmaameedsanayo dad gaar ah.
Mareeg Media
Comments are closed.