Gaari ku qarxay Wadada hor-marta Xeebta Liido

Read Time:33 Second

Gaaari waxyaabaha qarxa laga soo buuxiyay ayaa ku qarxay Wadada hor-marta Xeebta Liido abaarihii salaadi maqrib xilliga Afurka.

Sida wararku sheegayaan qaraxan ayaa jugtiisa si aad ah looga maqlay qeybo ka mid ah Muqdisho, waxaana la sheegay in aanu wax khasaare ah sababin.

Wararka ayaa sheegaya in gaariga qarxay uu yaalay Aargada Xeebta Liido, halkaasoo inta badan gawaarida la dhigto.

Sawiro laga soo qaaday gaariga qarxay ayaa muujinayay baaxada qaraxa iyo xajmigiisa, iyadoo gaariga qarxay uu ka soo haray labo lugood oo kale.

Tan iyo markii la galay bisha Ramadaan ayaa waxaa magaalada ka dhacay qaraxyo dhowr ah oo loo adeegsaday gawaari, kuwaasoo labo ka mid ah ay ahaayeen is qarxin.

About Post Author

A warsame

Published by A Warsame is senior Editor and managing Director of Mareeg Media Whatup :+447737886245
Happy
Happy
0 %
Sad
Sad
0 %
Excited
Excited
0 %
Sleepy
Sleepy
0 %
Angry
Angry
0 %
Surprise
Surprise
0 %