Gaari ku qarxay Deegaanka Buulo Mareer ee Gobolka Sh/Hoose oo ay Maamulaan Al-Shabaab

Buulo Mareer (mareeg)- Gaari waxyaabaha qarxa laga soo buuxiyey oo sababay qasaare kala duwan ayaa Maqribkii (Jimce) ku dhex qarxay Deegaan ay Maamulaan Alshabaab oo la yiraa Buulo Mareer kana Tirsan Degmada Kuntuwaareey ee Gobolka Shabeelada Hoose.

Wararka halkaasi laga helayso ayaa sheegaya in Gaariga uu ku dhex qarxay mid ka mid aha Xaafadaha Buulo Mareer oo ku dhaw laamiga Magaalada Dhex mara iyadoo Qaraxa hore kadib uu muddo gaarigaasi ay ka qarxayeen rasaas badan taasoo sababtay in dadkii ay intooda badan ka cararaan Magaalada, iyadoo markii dambe ay shabaabku xireen goobta markii qaraxyadu joogsadeen, inkastoo aan si dhab ah loo xaqiijin karin Dhimashada iyo dhaawaca Halkaasi ka dhacay haddana waxa ay wararku sheegayaan in ay ku dhinten tiro aan la garanayn oo gaariga la socotay iyo qasaare hantiyeed oo gaaray  Guryaha qaar ee ka ag dhawaa qaraxaasi.

Deegaanka qaraxa gaarigu uu ka dhacay oo ay maamulaan Alshabaab ayaa adag in Dadka halkaasi jooga ay bixiyaan faahfaahin intaa ka badan iyaga oo ka baqaya in shabaabku ay  ogaadaan in  Saxaafada ay la hadleen, Warar kale oo la helayo ayaa sheegaya in Gaariga Waxyaabaha qarxa laga soo buuxiyey ay shabaabku Qorshaynayeen in Magaalada Muqdisho meel ka mid ah ay la beegsadaan balse iyaga uu ku qarxay.manaha aha markii ugu horeysay qarax ay Farsamaynayeen shabaabku uu iyaga ku qarxo.

Isha: Shabeelle