Categories
Af Soomaali

Gaari Ay Leeyihiin UN-ka Oo Ku Qarxay Magaalada Muqdisho

War goordhow ku soo dhacay Warqabadka Shabakada Mareeg.com ayaa waxa uu tilmaamayaa in Gaari ay leeyihiin UN-ka uu ku Qarxay Garaash ku yaalla  Xarunta Hay’adda UNDP ee ku taalla inta u dhaxeysa Garoonka Diyaaradaha iyo KM-4.

Gaariga Qarxay ayaa la sheegay inuu ahaa  nuuca loo yaqaano Toyota Hilux oo ay leyihiin UN-ka kaa oo la sheegay in lagu soo xiray Walxaha Qarxa uuna ku Qarxay Garaash ku yaalla Xarunta Hay’adda UNDP ee ku taalla inta u dhaxeysa Garoonka Diyaaradaha iyo KM-4.

Ugu yaraan Labo Qof ayaa la sheegay in ay ku dhaawacmeen Qaraxa lagu soo xiray Gaariga,waxaana uu Bur bur xooggan soo gaaray Gaariga Qaraxa lagu soo xiray.

Ilaa iyo hada majiro wax war ah oo kasoo baxay UN-ka oo ku aadan Gaariga ku Qarxay Garaashka ay ku leeyihiin Xarunta Hay’adda UNDP ee Magaalada Muqdisho.

 

By Xuseen Axmed

Former somalia247.com reporter and currently mareeg media representative in Somalia