Gaari Ay La Socdeen Xubno Ka Tirsan Al Shabaab Oo Ku Qarxay Duleedka Baledweyne * Mareeg.com somalia, World News and Opinion.
Mareeg Media
Somalia

Gaari Ay La Socdeen Xubno Ka Tirsan Al Shabaab Oo Ku Qarxay Duleedka Baledweyne

Wararka aan ka heleyno Duleedka Magaalada Baledweyne ee Xarun Gobolka Hiiraan ayaa waxa ay sheegayan in halkaasi uu ka dhacay Qarax gaari oo ay la socdeen Xubno ka tirsan Ururka Al Shabaab.

Gaariga Qarxay oo la sheega ay inay la socdeen Xubno ka tirsan Ururka Al Shabaab ayaa noociisu ahaa NOHO wuxuuna ku Qarxay inta u dhaxeeysa Deegaanada Durdur iyo  Luuq-Jeelow ee Gobolka Gobolka Hiiraan.

Ugu yaraan 5 Qof ayaa ku geeriyootay Qaraxaasi maanta ka dhacay inta u dhaxeeysa Deegaanada Durdur iyo  Luuq-Jeelow sida ay xaqiijiyeen Saraakiil ka tirsan Ciidamada dowlada Soomaaliya .

Ciidamada Ammaanka ayaa saldhig ku leh meel u dhow degaanka uu ku Qarxay Gaarigaasi, waxaana la sheegay in halkaasi ay ku baxeen.

 

Get real time updates directly on you device, subscribe now.

Comments are closed.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More

Do NOT follow this link or you will be banned from the site!