Gaari Ay La Socdeen Ciidamo Ka Tirsan Booliska Kenya Oo Qarax Lala Eegtay

Read Time:46 Second

Wararka ka imaanaya Gobolka Woqooyi bari ee dalka Kenya ayaa ku waramaya in Qarax Miino oo dhulka lagu aasay in lala eegtay gaari ay la socdeen Ciidamo ka tirsan Booliska dowlada Kenya.

Qarax oo dhulka ku aasnaa ayaa ka dhacay wadada xiriirisa degmada Wajeer iyo deegaanka Dabasiti iyo degmada Ceelwaaq,waxaana khasaaro dhimasho iyo dhaawac uu soo gaaray ciidamo ka tirsan kuwa Kenya.

Warbaahinta Ururka Al Shabaab ayaa lagu baahiyay in dagaalyahano ka tirsan  Al Shabaab in weerar daba-gal ahaa in ay ku qaadeen ciidamo ka tirsan Booliska Kenya xilli ay marayeen wadada xiriirisa degmada Wajeer iyo deegaanka Dabasiti iyo degmada Ceelwaaq.

Sidoo kale Al Shabaab wax ay sheegtay in hub u badan qoryaha G3-ga ay dagaalyahanadoodu kusoo qabsadeen Qaraxii  ka dhacay gobolka Woqooyi bari ee dalka Kenya.

Illaa iyo hada wax war ah kama soo bixin dowlada Kenya oo ku aaddan weerarka  ka dhacay gobolka Woqooyi bari ee dalka Kenya.

About Post Author

Xuseen Axmed

Former somalia247.com reporter and currently mareeg media representative in Somalia
Happy
Happy
0 %
Sad
Sad
0 %
Excited
Excited
0 %
Sleepy
Sleepy
0 %
Angry
Angry
0 %
Surprise
Surprise
0 %