Gaari ku qarxay wadada Maka Almukarrama

Read Time:27 Second

Mareeg.com: Gaari ayaa ku qarxay waddada Maka Al mukarama ee Muqdisho. Gaariga ayaa waxaa saarnaa laba qof, waxaana la sheegay in qaraxu ahaa mid gaariga lagu soo xiray.

Labo qof oo la socday gaariga qarxay ayaa dhaawacmay, waxaana la geeyay isbitaalka.

Lama oga dadka lala beegsaday qaraxa inay dowladda u shaqeeyaan iyo in kale. Goobta ayaa waxaa gaaray Ciidamada Amaanka iyo Gaadiidka Gurmadka Deg degaa oo qaadaya Dadkii Dhaawacmay.

Qaraxaan ayaan ka dhacay meel aad ugu dhoow baarka Oromo Coffee oo dhawaan qarax xoog leh lala beegsaday.

Mareeg Media

 

About Post Author

A warsame

Published by A Warsame is senior Editor and managing Director of Mareeg Media Whatup :+447737886245
Happy
Happy
0 %
Sad
Sad
0 %
Excited
Excited
0 %
Sleepy
Sleepy
0 %
Angry
Angry
0 %
Surprise
Surprise
0 %
Instagram did not return a 200.