Gaalkacyo: Taliyihii Ilaalada canshuuraha Mudug ee Puntland oo qarax lagu dilay * Mareeg.com somalia, World News and Opinion.
Mareeg Media
Somalia

Gaalkacyo: Taliyihii Ilaalada canshuuraha Mudug ee Puntland oo qarax lagu dilay

Mareeg.com: Wararka ka imaanaya magaalada Gaalkacyo ee gobolka Mudug ayaa sheegaya in taliyihii ilaalada canshuuraha beriga ee gobolkaas, dhanka Puntland lagu dilay qarax loogu xiray gaarigiisa.

Taliyahan oo si weyn looga yaqaanay magaalada Gaalkacyo ayaa ku magac dheeraa Qaylo, wuxuuna marayey markii uu gaarigiisu qarxayey aga-gaarka Iskuulka Yameys ee magaaladaas.

Markii qaraxaasi dhacay waxaa goobta gaaray ciidamada amaanka maamulka Puntland, kuwaasoo bilaabay baaritaan.

Bishii December ee sanadkii tagey 2014-ka ayaa sidan oo kale qarax loogu xiray gaarigiisa gudoomiye ku xigeenkii koowaad ee gobolka Mudug Farxaan Cali Xaad oo dhaawac ka soo gaaray.

Dhanka kale, Koox hubaysan ayaa  xalay toogsho ku dilay nin shacab ahaa waqooyiga magaalada Gaalkacayo. Dableyda dilka geysatay ayaa goobta ka baxsatay, lamana sababta ka dambeysa dilkan.

Guddoomiyaha degmada Gaalkacayo ee maamulka Puntland Maxamad Jamac xaqiijiyay dhacdadan ayaa sheegay in ciidamada ammaanka ay ku raad-joogaan kooxihii dilka geystay, si dhakhso ahna ay caddaaladda u horkeeni doonaan.

Mareeg Media

Get real time updates directly on you device, subscribe now.

Comments are closed.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More

Do NOT follow this link or you will be banned from the site!