Gaalkacyo: Qarax Geystay Khasaare Nafeed Oo Ka Dhacay Qeybta Woqooyi

Read Time:53 Second

Gaalkacyo – Mareeg.com: Ialaa 5 qof ayaa ku dhimatay, toddobo kalena way ku dhaawacantay qarax nooca rumuutka laga hago ah oo maanta ka dhacay agagaarka xarun caafimaad oo ku taalla magaalada Gaalkacyo.

Qaraxa ayaa ka dhacay Waqooyiga Gaalkacyo gaar ahaana jidka laamiga ah ee u dhaxeeya suuq lugu magacaabo Barwaaqo iyo Isbitaalka GMC ee magaalada.

Dadka dhintay iyo kuwa dhaawacmay ayaa ahaa dad rayid ah oo marayay halka uu qaraxu ka dhacay, lamana oga cidda uu bar-tilmameedku ahaa.

Guddoomiyaha gobolka Mudug ee Puntland Maxamed Yuusuf Jaamac ayaa cambaareeyay falka, wuxuuna ku eedeeyay Al-Shabaab.

Wuxuu sheegay inay baarayaan ciddii ka dambeysay qaraxa, isagoo u tacsiyeeyay ehelada dadka geeriyooday, kuwa dhaawaca ahna u rajeeyay caafimaad deg-deg ah.

Duqa degmada Galkacyo Axmed Cali Salaad ayaa sheegay in qaraxyadu ahaayen labo, wuxuuna xusay in kii hore uu dhacay iyadoo aysan meesha marey cid maamul ama ciidan ah, hase ahaatee qarax labaad markii goobta dad badan isugu yimaadeen.

Xubno ka tirsan maamulka gobolka Mudug qeybta Puntland ayaa tegay isbitaalka la dhigay dhaawacyada weerarkaas waxyeelladu kazoo gaartay.

Mareeg.com

About Post Author

A warsame

Published by A Warsame is senior Editor and managing Director of Mareeg Media Whatup :+447737886245
Happy
Happy
0 %
Sad
Sad
0 %
Excited
Excited
0 %
Sleepy
Sleepy
0 %
Angry
Angry
0 %
Surprise
Surprise
0 %
Instagram did not return a 200.