Gaalkacyo: Gudoomiye ku xigeenka gobolka Mudug oo qarax ku dhaawacmay * Mareeg.com somalia, World News and Opinion.
Mareeg Media
Somalia

Gaalkacyo: Gudoomiye ku xigeenka gobolka Mudug oo qarax ku dhaawacmay

Mareeg.com: Qarax ayaa saaka magaalada Gaalkacayo lagula beegsaday gaari uu watey guddoomiye ku-xigeenka labaad gobolka Mudug ee maamulka Puntland Farxaan Cali Xaad.

Miino nooca dhulka lagu aaso ee maalaha fog laga hago ah ayaa la kacday gaariga gudoomiyaha xilli uu marayey agagaarka salhigga dhexe ee booliska degmada.

Wararka ka imaanaya Gaalkacyo ayaa sheegay in hal qof oo ahaa mid ka mid ah ilaalada gudoomiye ku xigeenka oo qaraxaas ku dhintay. Sidoo kale waxaa halkaas ku dhaawacmay guddoomiye Xaad iyo afar qof oo kale.

Warar is khilaafsan ayaa kasoo baxaya xaaladda guddoomiyaha, wararka qaar ayaa sheegay inuu geeriyoodey qaar kalena waxay sheegayaan in uu nool yahay balse xaaladiisa caafimaad halis ku jirto.

Ma ahan markii ugu horeysey ee qarax lala beegsado guddoomiye ku-xigeenka labaad ee gobolka Mudug Farxaan Cali Xaad, balse wuxuu ka badbaadey isku day dil oo caynkan oo kale ah kadib markii November 8, 2011 qarax lala eegtay gaarigiisa.

Mareeg Media

 

 

Get real time updates directly on you device, subscribe now.

Comments are closed.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More

Do NOT follow this link or you will be banned from the site!