Gaafow: Ma jiro baasaboor la siiyey nin Turki ah * Mareeg.com somalia, World News and Opinion.
Mareeg Media
Somalia

Gaafow: Ma jiro baasaboor la siiyey nin Turki ah

Mareeg.com: Taliyaha Laanta Hogaanka Socdaalka Soomaaliya, Jen. C/llaahi Gaafow Barre ayaa beeniyey in safaaradda Soomaaliya ee dalka Turkigu bixisay baasaboor la sheegay in lagu qabtay nin Turki ah oo ka ganacsada daroogada, kaasoo dhawaan isagoo wata baasaboor Soomaali ah lagu qabtay dalka Bulgaria.

Jen. Gaafow oo warbaahinta kula hadlay Muqdisho ayaa baasaboorka lasoo bandhigay ee uu ku sawirnaa, magaciisuna ku qornaa nin Turki ah ku tilmaamay mid la been abuuray.

Wuxuu diiday Jen. Gaafow in baasaboorka lasoo bandhigay yahay kan ay bixiso dowladda federaalka ah ee Soomaaliya, wuxuuna sheegay inuu la mid yahay baasabooro horay Hargyesa loogu been abuuray.

Baasaboorka lasoo bandhigay ayaa ku qornaa nin magaciisa lagu sheegay CENGIZ DUMAN NIYAZI ayaa lagu qabtay garoonka magaalada Sofia ee dalka Bulgaria, waxaana la sheegay in waaxda socdaalka dalkaasi ay ninkani su’aalo weydiiyeen xabsigana u taxaabeen kadib markii ay ka shakiyeen, midabkiisa, luqadiisa iyo Baasaboorka Diblomaasiga ah ee uu wato.

Ninkan ayaa watay Baasaboor Numberkiisu yahay D-00003264, waxaana la bixiyay taariikhdu markay aheyd March 19, 2014, sida ku qoran, iyadoo laga bixiyay magaalada Muqdisho, balse ay u dalabtay safaaradda Soomaaliyeed ee Ankara, Turkey.

Warqad lasoo bandhigay ayaa sidoo kale ku cadeyd in ninka Turkiga ah loo magacaabay inuu yahay Qunsul Sharafeed u qaabilsan safaaradda dawladda Soomaaliya gobolada kala ah Adana, Gaziantep, iyo Diyarbakir (Honnorary Consul of Adana, Gaziantep, and Diyarbakir).

Si kastaba ha ahaatee, Jen. Gaafow ayaa waxaas oo dhan ku tilmaamay been abuur la farsameeyey oo laga xaday baasaboor uu leeyahay muwaadin Soomaaliyeed.

Mareeg Media

Get real time updates directly on you device, subscribe now.

Comments are closed.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More

Do NOT follow this link or you will be banned from the site!