Gaadiidka Ciidamada AMISOM Oo Ka Mid Noqday Gaadiidka Ay Baaraan Ciidamada Dowlada Soomaaliya * Mareeg.com somalia, World News and Opinion.
Mareeg Media
Somalia

Gaadiidka Ciidamada AMISOM Oo Ka Mid Noqday Gaadiidka Ay Baaraan Ciidamada Dowlada Soomaaliya

Ciidamada dowladda Federaalka Soomaliya ayaa bilaabay howlgal ay ku hubinayaan Gaadiidka Ciidamada Midowga Afrika ee AMISOM ee maraya meelaha muhiimka ah ee Magaalada Muqdisho ee Caasimadda Soomaaliya.

Meelaha muhiimka ah ee ku yaala Magaaladda gaar ahaan xarumaha dowladda ayaa maanta lagu arkayay Ciidamo ka tirsan kuwa dowladda Federaalka Soomaaliya oo baaraya Gaadiidka Ciidamada AMISOM.

Goobaha gaadiidka AMISOM maanta lagu baarayay waxaa kamid ah xarunta Madaxtooyada,isgoysyada tiyaatarka iyo igosyska sayidka oo si weyn ay u isticmaalaan Ciidamada AMISOM.

Waxaa la arkayay askari milatari ah oo ku amray Askari waday gaari ka mida kuwa AMISOM inuu kasoo dego, si loo baaro, kadiba ayaa la sheegay in la weydiiyay aqoonsi, waxaana la fasaxay markii la hubiyay xaaladiisa.

Tani ayaa loo fasirtay mid ay dowladda Soomaaliya ugu jawaabaysa hadalkii howlgalka AMISOM kasoo yeeray ee ku aadanaa in laga cabsi qabo Qaraxyo lagu weeraro Garoonka Diyaaradaha Magaaladda Muqdisho ee Aadan Cadde.

Get real time updates directly on you device, subscribe now.

Comments are closed.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More

Do NOT follow this link or you will be banned from the site!