Muqdisho: Gawaarida aan rasaastu Karin ee loo yaqaano “Bullet Proof” ayaa laga mamnuucay in laga soo dejiyo dekedda magaalada Muqdisho.
Sidoo kale, waxaa laga mamnuucay dekadda Muqdisho in la soo dejiyo gawaariga loo yaqaano Cabdi Bile ee ah TOYOTA dusha ka furan, kaasoo Soomaaliya looga isticmaalo gaadiid dagaal oo la saaro qoryaha waaweyn.
Wasaaradda Gaadiidka Cirka iyo dhulka ayaa mamnuucay in gaadiidka aan xabadaha karin iyo kuwa loo yaqaano Cabdi Bilaha si gaar ah looga soo degsado dekedda Muqdisho, iyadoo laga cabsi qabo in loo adeegsado howlo amaanka wax u dhimaya ama arrimo dagaal.
Warar soo baxay ayaa sheegaya in laamaha amaanka dowladda Soomaaliya aya wa heleen qorshayaal si gaar ah gaadiidka aan xabadaha karin looga soo degsan lahaa dekeda, si loo suuq geliyo, taasoo dowladdu halis u aragto.
Gaadiidka aan xabaduhu karin ee loo yaqaano Bullet Proof ayaa hada ku soo batay magaalada, waxaana isticmaala Wasiirada dowladda iyo Saraakiisha Amniga, iyadoo gawaaridaas si dalab ahaan loogu keeno dowladda.
Sidoo kale, gaadiidka loo yaqaanno Cabdi Bile ayaa waxaa adeegsada ciidamada dowladda Soomaaliya, Alshabaab iyo maamullada dalka Jira, waxaana adeegsigiisa ka tegay dadweynaha caadiga ah oo markii hore isticmaali jiray.
Baabuurta ayaa la iibiyaa qiimo aad uga badan baabuurta kale ee caadiga, iyadoo ku dhow dahay lacagahaas $80 ilaa $90 kun oo doolarka Mareykanka ah.
Dhowaan ayaa la sheegay in hey’adaha ammaanka dowladda ay ku qabteen Dekeda labo baabuur oo kuwa aan xabadaha karin ah oo la soo dejiyay iyo gawaarida ciidamada ee Tiknikada loo yaqaan, kuwaasoo ay Ganacsato si gaar ah u keensadeen.
Sanadkii hore ayay aheyd markii maamulka gobolka Banaadir uu diiday in dad gaar ah maamulaan gaadiidka gurmadka degdeg ah ee abalaasta, kaasoo ahaa nuuca aan xabaddu Karin oo ay keentay hay’adda laga leeyahay dalka Kuweyt, soona marsiisay hay’ada Soomaaliyeed oo kheyri ah, taasoo keentay in gaadiidka lagu wareejiyo maamulka gobolka Banaadir.
Mareeg.com