Gaadiid Galmudug uga soo degay Dekedda Boosaaso Puntland xayirtay qabatay * Mareeg.com somalia, World News and Opinion.
Mareeg Media
Somalia

Gaadiid Galmudug uga soo degay Dekedda Boosaaso Puntland xayirtay qabatay

Ilo Lagu kalsoonaan karo ayaa inoo sheegay,in Ciidanka maamulka Puntland ay gacanta ku dhigeen Gaadiid Maamulka Galmudug uga soo degay Dekedda Magaalada Boosaaso ee Gobolka Bari.

Gaadiidka ayaa la sheegay in ay gaarayaan illaa Afar,kuwaas oo kala ah Saddex Cabdi Bile oo Dul Banaan ah iyo Gaari  ah Nuuca aysan Rasaastu karin ee loo yaqaano Bullet-proov.

Mas’uuliyiin ka tirsan Galmudug ayaa noo Xaqiijiyay in Gaadiidkaasi ay Gacanta ku hayaan Maamulka Puntland islamarkaana  ay socdaan wada-hadallo lagu sii deynayo  Gaadiidka Galmudug ay leedahay.

Maamulka Puntland weli kama hadlin Gaadiidka Galmudug uga soo degay ee Gacanta ugu jira  Maamul Goboleedka Puntland.

Get real time updates directly on you device, subscribe now.

Comments are closed.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More

Do NOT follow this link or you will be banned from the site!