Kalfadhiga 6-aad ee baarlamanka oo dib loo dhigay * Mareeg.com somalia, World News and Opinion.
Mareeg Media
Somalia

Kalfadhiga 6-aad ee baarlamanka oo dib loo dhigay

Mareeg.com: Kalfadhiga 6-aad ee baarlamaanaka federaalka ah ee Soomaaliya oo lagu weday inuu furmo 20-ka bishaan ayaa dib u dhacay ilaa 27-ka isla bishaan April 2015.

kulan maanta ay xaruntooda Villa Hargaysa  ku yeesheeen Xubnaha gudiga Joogtada ah ee Baarlamaanka  oo uu shir godoominayey godoomiyaha barlamanka, Maxamed Sheikh Cusmaan Jawari ayaa lagu sheegay in dib u dhacu ku yimid arrimo farsamo awgood.

Gudiyada joogtada ah ayaa sidoo kale ugu baaqey xubnaha golaha baarlamaanka ee safarada dibada ah ku maqan iney sida ugu dhaqsiyaha badan dalka dib ugu soo labtaan isla markaana furitanka kalfadhiga 6-aad ka soo qeyb galaan.

Kualnka gudiyadda joogtada ah ee baarlamaanka markii uu soo idlaaday ayaa waxaa warbaahinta la hadlay ku xigenka xoghayaha joogtada ah ee barlamanka Soomaaliya, Maxamed Cabdullahi Ciyow .

“Waxaa kulanka gudiga joogtada ah diirada lagu saaray furitaanka kalfadhiga 6-aad ee baarlamaanka, runtii si aad u wanaagsan ayaa looga dooday howshaas waxaana ka isla gartay in 20 bisha oo balanku ahaa in uu furmo uusan suura galeyn, waxaana loo dhigay 27 ka April marka waxaa laga codsaday mudanayaasha in ay waqtigaas ku yimaadaan” ayuu yiri Ciyow.

Kalfadhiga 6-aad ee barlamanka federalka ah ayaa markii uu furmo waxaa mudanayasha Golaha shacabka hor yaala ajandayaal fara badan oo u baahan in wax laga qabto.

Mareeg Media

Get real time updates directly on you device, subscribe now.

Comments are closed.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More

Do NOT follow this link or you will be banned from the site!