Fu’aad Shongole: Col saf balaaran ah ayaa nagula soo qaaday

Mareeg.com: Sheekh Fu’aad Maxamed Khalaf (Fu’aad Shongole) oo ka tirsan Saraakiisha sar sare ee Ururka Al Shabaab, ayaa wuxuu sheegay in dagaal saf ballaaran leh xilligaan lagu soo qaaday dhulka, ay gacanta ku heyso Al Shabaab.

Fu’aad Maxamed Khalaf oo wareysi siiyay Idaacada Andulus oo ku hadasha afka Al Shabaab, ayaa tilmaamay in dalalka horumaray ay dagaalada Somaliya u adeegsanayaan Ciidamada Dowladda Soomaaliya iyo Amisom, xilli uu sheegay inay duulaan ku yihiin kheyraadka wadanka, sida uu sheegay.

Waxa kaloo uu sheegay in Ciidamada Dowladda iyo Amisom ay toddobaadyadii la soo dhaafay xoojiyeen hawlgalada ka dhanka ah Al Shabaab, isla-markaana ay la wareegeen dhul ay horey u joogtay Al Shabaab, sida uu yiri.

Sidoo kale Sheekh Fu’aad Shongole, ayaa wuxuu ku hanjabay inaanu dhammaan doonin dagaalada ka soconaayo Gobolada Koonfurta iyo Bartamaha ee Somaliya, maadaama uu ku sheegay inay iyagu yihiin dadkii u dhashay, loogana fadhiyay inay difaacdaan.

Fu’aad Shongole ayaa wuxuu ku sheegay in guushu ay markasta u janjeerto dhinaca Shabaab, khasaaruhuna uu u badan yahay dhanka waxa uu ugu yeeray cadowga.

Ciidamada dowladda Soomaaliya ayaa todobaad gudihiisa la wareegay labo degmo xeebeed oo muhiim kuwaasoo kala ah: Cadale oo ka tirsan Shabeellaha Dhexe iyo Baraawe oo ka tirsan Shabeellaha Hoose, tan dambe ayaa ciidamada huwanta ah saaka galeen.

Mareeg Media

About A warsame 9751 Articles
Published by A Warsame .He can be reached by news@mareeg.com or Mobile :+447737886245