Mareeg.com: Rag wajiga soo duubtay, oo hubaysan, ayaa dalka Faransiiska ku dilay ugu yaraan 12 qof markii ay weerareen xarunta Wargays xilliyeed (Magazine) oo qaab maadaysi ah wax u qora, Charlie Hebdo.
Shan qof oo kale ayaa si xun ugu dhaawacmay. Wargayskan oo xaruntiisu ku taallo magaalada Paris ayaa koox Islaami ah horay u weerareen.
Ragga hubasayn oo aha 2, kuna hubeysan qoryo ayaa galay dhismaha saaka, waxaana ay bilaabeen in ay toogtaan dadka iyagoo isticmaalaya qoryaha fudud ee darandooriga u dhaca.
Wararka la helay ayaa sheegaya in ilaa konton xabadood la maqlay. Ragga weerarka soo qaaday ayaa kadibna baabuur ku baxsaday.
Howlgal ballaaran oo ay wadaan booliiska ayaa hadda socda oo la raadinaya kuwa weerarka qaaday. Caasimadda Faransiiska, ayaa dhacdadan awgeed heegan aad u sareeya la galiyay.
Bishii lasoo dhaafay ee December waxaa Faransiiska ka dhacay weeraro kala duwan oo ay qaadeen dad ku qeylinaya Allahu Akbar, waxaana labo ka mid ah weeraradaas loo adeegsaday gaari dad la jiirsiiyey.
This site uses functional cookies and external scripts to improve your experience. Which cookies and scripts are used and how they impact your visit is specified on the left. You may change your settings at any time. Your choices will not impact your visit.
NOTE: These settings will only apply to the browser and device you are currently using.
Comments are closed.