France: Nin ku qeylinaya “Allahu Akbar” oo 11 ku dhaawacay weerar gaari

Read Time:1 Minute, 4 Second

Mareeg.com: Nin kaxeynayey gaari ayaa magaalada De Dijon ee dalka Faransiiska ku jiiray ilaa 11 ruux. labo ka mid ah dadka dhaawacmay ayaa xaaladoodu liidataa. Ninkaas ayaa ku qeylinayey “Allahu Akbar”.

Booliska dalkaas ayaa ku guuleystay iney gacanta ku dhigaan ninkii gaariga weday, kaasoo la sheegay inuusan maskax ahaan deganeyn, horayna loogu daweynayey Isbitaal xagga dhimirka ah.

Sabtidii lasoo dhaafay booliska Faransiiska aya toogtay nin ku qeylinayey “Allahu Akbar”, kaasoo booliska ku weeraray toorrey, islamarkaana dhaawacay 3 ka mid ah.

Goobjoogayaal ayaa warbaahinta u sheegay in ninka gaariga dadka ku weeraray oo ku jira da’da afartameeyada uu sheegay inuu falkaas u sameeyey carruurta Falastin dartood, kuwaasoo ay dhbaato ku hayaan ciidamada Yahuudda.

Gaariga ninkaani kaxeynayey ayaa la sheegay iney la socdeen labo qof oo kale, hase ahaate ninka ayaa falkaan iskiis ugu dhaqaaqay, sida uu sheegay Afhayeen u hadlay wasaaradda Arrimaha Gudaha Faransiiska.

Afhayeenka ayaa sheegay in ninkaas horay loogu yaqaanay dhacdooyin yar yar oo uu geystay 20-kii sano ee laso dhaafay.

Wasiirka arrimaha gudaha Faransiiska, Bernard Cazenove ayaa TV-da galkaas u sheegay in ninka gaariga dadka ku weeraray uusan aheyn mid degan oo caafimaad qaba.

Dalka Faransiiska waxaa ku nool Jaaliyad Muslimiin ah tan ugu badan dalalka Midowga Yurub, waxaana halkaas ku nool 5 ilaa 6 Milyan oo Muslimiin ah.

Mareeg Media

About Post Author

A warsame

Published by A Warsame is senior Editor and managing Director of Mareeg Media Whatup :+447737886245
Happy
Happy
0 %
Sad
Sad
0 %
Excited
Excited
0 %
Sleepy
Sleepy
0 %
Angry
Angry
0 %
Surprise
Surprise
0 %
Instagram did not return a 200.