Fiqi: Heshiiskii Milateri Ee Somalia Iyo Turkigu Dhaqangal Ayuu Bilaabay * Mareeg.com somalia, World News and Opinion.
Mareeg Media
Somalia

Fiqi: Heshiiskii Milateri Ee Somalia Iyo Turkigu Dhaqangal Ayuu Bilaabay

Muqdisho, Mareeg.com: Sii hayaha wasiirka Gaashaandhigga ee Soomaaliya, C/xakiin Maxamuud Xaaji Fiqi ayaa sheegay in heshiiskii dhanka ciidammada ee dowalaha Soomaaliya iyo Turkiga uu u socdo sidii loo qorsheeyey.

Wasiir Fiqi ayaa xusay in ciidamo ka tirsan Miiteriga Soomaaliya tababarro lagu siinayo dalka Turkiga, kaddibna ciidamadaasi ay u gudbin doonaan qalabeyn, si ay hormuud uga noqdaan xoojinta dhismaha ciidamada qalabka sida ee Soomaaliya.

Dhanka kale, Fiqi oo la hadlayey RM ayaa ka hadlay howl-gallo ay ciidammada Xoogga dalka Soomaaliya ka sameeyeen waddada dheer ee isku xirta magaalooyinka Muqdisho iyo Baydhabo, isla markaana ay ku guuleysteen bur-burinta Jid-gooyooyinka kooxo burcad ah halkaasi ay dhigteen, waxa uu intaa raaciyey in howlgalladaasi ay sii socon doonaan.

Wuxuu saheegay Fiqi in ciidamada milateriga ah ee loogu magic daray Cali Boobaye 2 ee shalay Muqdisho tababarka loogu xiray ay la dagaalami doonaan burcadda isbaarooyinka dhigta iyo Alshabaab dagaala gaadamada ah ka sameeya wadooyinka isku xira Muqdisho iyo gobollada la xiriira.

Waddooyinka isku xira Muqdisho iyo labada Shabeelle ayaa waxaa ka jira isbaarooyin farbadan oo ay dhigteen ciidamada iyo maleeshiyaad sida askarta u labista ee deegaan ah.

Mareeg.com

Get real time updates directly on you device, subscribe now.

Comments are closed.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More

Do NOT follow this link or you will be banned from the site!