Finland oo maxkamad saareysa afar loo heysto maalgelinta Alshabaab

Read Time:43 Second

Mareeg.com: Xeer Ilaalinta Qaranka dalka Finland ayaa 4 ruux oo dalkaas laga qabtay ku eedeysay iney maalgeliyeen ururka Alshabaab ee dalka Soomaaliya.

Xeer Ilaaliyaha guud ee dalka Finland, Elina Hypponen ayaa wakaaladda wararka AP u sheegtay iney tahay markii ugu horreysay ee dalka Finland lagu maxkamadeeyo dad loo heysto arrimo argagixiso.

Afartaan ruux ayaa ku eedeysan iney lacago u uruuriyeen ururka Alshabaab ee ku xiran Alqaacidda intii u dhaxeysay sanadihii 2008 ilaa 2011.

“Kumanaa lacagta Euro ah ayay dadkaani u uruuriyeen dhaqdhaqaaqa Alshabaab intii u dhaxeysay sanadihii 2008 ilaa 2011” ayay tiri Elina Hypponen.

Mid ka mid ah dadka xiran ayaa sidoo kale lagu eedeeyey inuu Alshabaab askar ahaan dalka Finland uga soo qoray dhalinyaro u dagaalanta.

Xeer Ilaalinta Finland ayaa sheegtay in eedeysanayaashu diideen eedeymaha loo jeediyey, waxaana haddii falkaas lagu helo lagu xukumi karaa xabis 8 sano ah.

Mareeg Media

About Post Author

A warsame

Published by A Warsame is senior Editor and managing Director of Mareeg Media Whatup :+447737886245
Happy
Happy
0 %
Sad
Sad
0 %
Excited
Excited
0 %
Sleepy
Sleepy
0 %
Angry
Angry
0 %
Surprise
Surprise
0 %
Instagram did not return a 200.