Fiidow: Shiico mintid ah ayaa jooga Galgaduud

Matabaan – Mareeg.com: Guddoomiyaha gudiga fulinta Ahllusuna Waljamaaca Cabdi Cali Fiidow ayaa ku eedeeyey gudoomiyaha guud ee ururkaas, Macallim Maxamuud Sheekh Xasan Faarax inuu noqday mintid, islamarkaana uu gobolka Galgaduud geeyeey kooxo Shiico ah oo u dhashay dalka Iran.

Fiidow oo la hadlay KNN ayaa sheegay in Macallin Maxamuud iyo koox uu wato ay noqdeen mintid dadka dila sida, uu yiri.

“Koox Macallin Maxamuud u horreeyo ayaa noqday mintid, waxeyna Galgaduud geeyeen xubno Shiico ah oo ka socda Iran” ayuu yiri Cabdi Cali Fiidow.

“Ragaas Shiicadaha ah waxey habeenkii qotaan Macdan, maalintiina waxey wax ka dhigaan dugsiyo ay dadka wax ku baraan” ayuu sidoo kale yiri Fiidow.

Wuxuu Fiidow ku eedeeyey kooxda Macallin Maxamuud iney dileen qaar ka mid ah dadkii sanadaha badan Alshabaab kula dagaallamayey degmooyin ka tirsan gobolka Galgaduud.

Dhanka kale, Macallin Maxmauud oo isaguna la hadlay KNN ayaa iska diiday eedda Fiidow, wuxuuna Fiidow ku tilmaamay nin iska dhiban oo xil u dhiibistiisii hore lagu khaldamay.

“Ninkaasi waa nin iska dhiban, annaga ayaa magacaawnay, waana ku khaldanay, mana jiraan dad aan geynay gobolka” ayuu yiri Macallin Maxamuud Sheekh Xasan.

Macallin Maxamuud oo ah aasaasaha Ahllu Sunnada Galgaduud iyo Cabdi Cali Fiidow ayaa horay isu khilaafay, waxaan maleeshiyo kala taabacsan mar ku dagaallameen degmada Matabaan, hase ahaatee colaaddaas ayaa la qaboojiyey.

Mareeg Media

About A warsame 9751 Articles
Published by A Warsame .He can be reached by news@mareeg.com or Mobile :+447737886245