Muqdisho – (Mareeg.com): Iyadoo ururka kubadda cagta aduunka ee FIFA uu ahmiyad weyn siinayo horumarinta kubadda cagta Soomaaliya ayaa xiriirka Soomaaliyeed ee kubadda cagta waxaa uu shaaca ka qaaday in FIFA ay ansixisay mashruuc kale oo balaaran oo Soomaaliya loogu dhisayo xarun weyn oo xiriirku ku shaqeyn doono iyo garoonka jaamadacaha oo la dhisayo laguna gogli doono cows sida uu sheegay xoghayaha guud ee xiriirka Soomaaliyeed ee kubadda cagta Cabdi Qani Saciid Carab oo maanta war saxaafadeed soo saaray.
“Sanadkan waxaa FIFA ay ansixisay mashruuc kale oo cows lagu saarayo garoonka Jaamacadaha ee Magaalada Muqdisho oo tan iyo 2010-kii ahaa goobtii lagu qabanayay tartamada xiriirka”ayuu war saxaafadeedkiisa ku sheegay xoghayaha guud Cabdi Qani Saciid Carab.
Horay waxaa cowska artifishalka ah FIFA u saartay garoonka ciyaaradaha Stadium Cons (Banadir Stadium) ee degmada C/cazii ee magaalada Muqdisho.
Garoonkani waxaa uu ahaa meel howd ah waxaana geedihii ka baxayay ka jaray oo qaab garoon u ekeysiiyay xiriirka dhamadkii December 2009-kii, waxaana wixii ka dambeeyay lagu qabtay tartamo kala duwan.
Hadaba si garoonkan looga dhigo mid gaarsiisan heer caalami ayaa xiriirka Soomaaliyeed ee kubadda cagta waxaa uu ka dalbaday FIFA ay in ay dib u dhis ku sameyso cows-na saarto garoonkan, tasoo FIFA ay ka aqbashay xiriirka Soomaaliyeed ee kubadda cagta kaddib markii mashruucii kan ka horeeyay ee Stadium Banaadir uu u fulay sidii FIFA ugu tala gashay dhismuhuna haatan marayo meel gabagabo ah.
“Maanta oo ay taariikhdu tahay 1-da November 2013, waxaa sharaf u ah xiriirka Soomaaliyeed ee kubadda cagta in uu la socodsiiyo ummada Soomaaliyeed guushan kale ee dalku gaaray iyadoo la kashanayo FIFA oo ah hey’ada maamusha kubadda cagta aduunka”ayuu yiri xoghayaha guud.
Ka sukow mas’uuliyada uu ka hayo xiriirka Soomaaliyeed ee kubadda cagta Cabdi Qani waxaa uu xubin ka yahay guddiga sare ee FIFA waxaana uu sidoo kale yahay guddoomiyaha guddiga tartamada ee ururka kubadda cagta bariga iyo bartamaha Afrika ee CECAFA.
War saxaafadeedka uu soo saaray xoghayaha guud ayaa lagu sheegay in horaantii sanadkan ururka jaamacadaha Soomaaliyeed uu ugu deeqay xiriirka dhulka garoonka jaamacadaha, iyadoo kaddibna xiriirka Soomaaliyeed uu ka dalbaday FIFA mashruucan dhismaha ee balaaran kaa soo lagu guuleystay.
“Wasaarada horumarinta adeega bulshada iyo ururka jaamacadaha Soomaaliyeed ee SNU waxaa ay aad ugu amaananyihiin gacanta weyn oo ay siiyeen xiriirka Soomaaliyeed ee kubadda cagta, waxaana taasi ay muujineysaa sida hey’adaha dowliga ah ay uga go’antahay horumarinta kubadda cagta dalka, waxaan cod dheer ku qirayaa in dowlada la’aanteed aanu xiriirku awoodin in uu horumar sameeyo”ayuu war saxaafadeedkiisa ku sheegay xoghayaha guud Cabdi Qani Saciid Carab.
Waxaa war saxaafadeedka lagu sheegay in shirkad caalami ah oo qaabislan dhinaca dhismaha garoomada ay xiriir la soo sameysay madaxda xiriirka Soomaaliyeed ee kubadda cagta horaantii bishii tagtay, isla markaana ay dalbadeen in ay sarkaal u soo dirsadaan Soomaaliya iyagoo qiimeyn ku sameynaya garoonka si ay isugu dayaan in ay helaan qandaraaska mashruuca dhismaha garoonka kaddib markii ay shirkadu ka war heshay in FIFA ay Soomaaliya u ogolaatay mashruuca garoonkan cowska lagu saarayo.
“Sarkaal ka tirsan shirkada la yiraahdo Green Cover ayaa xiriir ila soo sameeyay isagoo naga codsday in ay soo dirsadaan sarkaal waana ka aqbalay anigoo ku hadlayay magaca xiriirka Soomaaliyeed ee kubadda cagta waxaana sarkaalkaasi uu soo gaaray Muqdisho 28-kii bishii tagtay wuxuuna nala joogay muddo 4 maalmood ah maanta ayuuna soo gabagabeeyay safarkiisii Soomaaliya”ayuiu xoghayaha guud Cabdi Qani Saciid Carab.
Sarkaalkan oo lagu magacaabo Per Morgan Jagervall ayaa muddo 4 maalmood ah oo uu joogay dalka waxaa uu booqday meelo kala duwan oo ay ka mid yihiin garoonka jaamacadaha oo ay shirkadiisu dooneyso in ay qaadato qandaraaska dhismaha iyo sidoo kale garoonka Stadium banaadir oo qandaraaska dhimihiisa ay horey u heysatay shirkad kale oo laga leeyahay dalka Holand kaasoo iminka heer gabagabo ah maraya.
Waxaa guul weyn ah in maanta Soomaaliya ay u soo kala ordayaan shirkado caalmaiga ah iyagoo doonaya in ay mashaariic ka fuliyaan kuna guuleystaan qandaraasyada ay bixiso FIFA.
“Waxaan aad ugu mahad celinayaa mas’uuliyiinta xiriirka Soomaaliyeed ee kubadda cagta oo markii hore shirkadeena ka aqbalay codsigeedii ahaa in ay Soomaaliya wakiil u soo dirsan karto si uu u qiimeyo howsha laga qabanayo garoonka”ayuu yiri wakiilkan ka socday Shirkad Green cover Mr Per Morgan Jagervall.
“Madaxda xiriirka Soomaaliyeed ee kubadda cagta waxaa ay ii sameeyeen soo dhaweyn aad u heer sareysa mudadii aan joogay dalka, waxaan booqday meelo kala duwan oo uu ka mid yahay garoonka aanu dooneyno qandaraaska dhismihiisa in aan ku guuleysano, waxaa kale oo aan booqday xeebta Liido, runtii aad ayaan ugu raaxeystay jawiga maalmihii aan joogay Muqdisho”ayuu yiri Mr Per Morgan Jagervall markii saaka lagu sii sagootinayay garoonka Aadan Cadde ee magaalda Muqdisho.
Si kastaba ha ahaatee xoghayaha xiriirka Soomaaliyeed ee kubadda cagta Cabdi Qani Saciid Carab ayaa shaaca ka qaaday in Soomaaliya ay soo dhaweyneyso dhamaan shirkadaha caalamiga ah ee dhisa garoomada hadii ay dalka imaanayaan, waxaana imaatinkaasi uu u furan yahaybuu yiri shirkadaha heshiiska kula jira FIFA oo keliya.
“Soomaaliya way u furan tahay shirkadaha dhismaha ee ku jira heshiiska qandaraasyada FIFA, waana soo dhaweyneynaa”ayuu war saxaafadeedkiisa ku soo gabagabeeyay xoghaye Cabdi Qani Sacidi Carab oo sheegay in shirkadii soo buuxisa shuruuraha laga rabo ay ku guuleysan doonto qandaraaska dhismaha.
Talaabadan ayaa ah guul kale oo weyn oo xiriirka Soomaaliyeed ee kubadda cagta uu u soo hooyay ummada Soomaaliyeed sanadkan gudihiiisa,waxaana ka horeeyay mashruucii balaarnaa ee tababarka FIFA grassroots course oo ay ahayd markii ugu horeysay taariikhda inta la ogyahay oo Soomaaliya ay hesho koorso noocaas oo kale ah.
Isha Warka: Somali Football Federation Media Department