Mareeg.com: Gudoomiyha xisbiga Mucaaridka ee UCID ee Somaliland ayaa sheegay inuu madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud u hayo talo ku saabsan R/wasaaraha cusub, kadib markii shalay baarlamaanku riday xukuumaddii RW Cabdiweli Sheekh Axmed.
Feysal Cali Waraabe oo la hadlay mid ka mid idaacadaha Muqdisho ayaa sheegay inuu jecelyahay in Soomaaliya gaarto horumar sidaas darteedna uu diyaar u yahay inuu madaxweyne Xasan Sheekh talo ka siiyo qofka uu usoo magacaabayo RW.
“Waxaan jecelnahay in Soomaaliya nabad iyo horumar gaarto, sidaas darteed waxaan diyaar u nahay inaan talo ka bixino cidda ku haboon R/wasaaraha cusub” ayuu yiri Feysal Cali Waraabe.
Siyaasiyiinta maamulka Somaliland oo sheegta inuu ka go’ay Soomaaliya inteeda kale ayaan horay looga baran iney siyaasiyiinta Federaalka talo ka siiyaan xaaladda dalka.
This site uses functional cookies and external scripts to improve your experience. Which cookies and scripts are used and how they impact your visit is specified on the left. You may change your settings at any time. Your choices will not impact your visit.
NOTE: These settings will only apply to the browser and device you are currently using.
Comments are closed.