Mareeg Media
Somalia

FBI oo codsatay meydadka RAGGII weeraray Hoteelka Dusit D2 ee Kenya

11

Sarkaal ka tirsan Booliska Dalka Kenya ayaa sheegay in Saraakii ka socotay Hay’adda Dembi-baarista Boliska Maraykanka ee FBI-da in ay qaateen Haraagga maydadkii 6-dii Dagaalame ee bartamihii bishii hore weerartay Hotelka Dusit D2 ee magaalladda Nairobi.

Sarkaalkaasi oo magaciisa qariyey ayaa u sheegay Wargeysja The Nairobian in maydadka 5 Dagalaame iyo haraagga mid kale oo is-qarxiyey loo qaaday dalka Maraykanka, si ay ugu soo sameeyaan Baaritaano dheeraad ah.

Saraakiisha FBI-da ayaa la sheegay inay codsadeen baaritaano dheeraad ah ku soo samaeeyaan maydadkaasi, iyadoo la aqoonsaday oo keliya Ninkii geystay Is-qarxintii Hoteelk Dusit D2, kaasi oo Baarayaasha magaciisa ku sheegeen Maahir Khaalid Riziqi oo 25-jir ahaa, waa sida ay hadalka u dhigeen.

Sarkaal ka tirsan Hay’adaha Ammaanka Kenya ayaa sheegay inay Hay’adda FBI-da qaateen maydadkaasi, si ay baaritaano Teknoolajiyadeeda sarreeyso ee dhinaca DNA-da ku soo sameeyaan maydadkaasi.

Si kastaba ha’ahaatee, Saraakiil ka kala socotay Hay’adda FBI-da Maraykanka iyo  Sirdoonka Israel ee MOSAAD ayaa la sheegay inay Kenya gacan ka siinayaan baaritaanka Weerarkii ay Alshabaab bishii hore ku qaadeen Hotelka Dusit  D2 ee Nairobi oo lagu dilay Labaatameeyo qof oo ay ku jiraan Muwaadiniin u kala dhashay Maraykanka iyo Britain.

Get real time updates directly on you device, subscribe now.

Comments are closed.

Do NOT follow this link or you will be banned from the site!