Ra’iisul wasaare kuxigeen ahna Wasiirka Arrimaha dibadda iyo iskaashiga Caalamiga **H.E. Fawzia Yusuf H. Adam** iyo wafdi balaaran oo ay ka mid yihiin agaasimayaal guud , diblomaasiyiin iyo xubno kale ayaa kaga qeybgalaya Magaalada Kuwait ee caasimadda Kuwait howlaha loogu gogol xaarayo shir madaxeedka seddexaad ee carabta iyo afrika , iyadoo la filayo in wafdi uu hogaaminayo gudoomiyaha baarlamanka **H.E. Prof. Mohamed Osman Jawari** uu ka qeybgalo shirkaasi oo soconaya maalmaha 19-20 November, halkudhiggiisuna yahay ” dowladaha wadaaga ku ah horumarinta iyo maalgeshiga” . **H.E. Fawzia Yusuf H. Adam** ayaa ka qeybgali doonta 16-ka bishan shirka wasiira arrima dibadeed-ka Carabta iyo Afrika ka hor inta aanu qabsoomin shir madaxeedka ay ka qeybgali doonaan boqorada iyo madaxda wadamada Carabta iyo Afrika. Dowladda Soomaaliya ayaa sanadkii 2010-kii kaga qeybgashay shir midkani la mid ah magaalada Sirte ee Libya. Maalinta beri oo Sabti ah ayaa waxaa lagu wadaa in Wasiirada arrimaha dibadda ay falan-qeeyaan abuuridda mashaariic maalgeshi oo ay wadaag ku noqonayaan wadamada Carabta iyo Afrika . Ra’iisul wasaare kuxigeen ahna Wasiirka Arrimaha dibadda iyo iskaashiga Caalamiga **H.E. Fawzia Yusuf H. Adam** ayaa waxaa u qorsheysan mudada ay joogto Kuwait inay kulamo gaar gaar ah ay la kala yeelato dhiggeeda wadamada Carabta iyo Afrika , oo ay kala hadli doonto arrimo khuseeya Soomaaliya . Wafdiga ay hogaamineyso **H.E. Fawzia Yusuf H. Adam**, oo si diiran loogu soo dhoweeyay garoonka Caasimadda Kuweit , ayaa intii aaney ka ambabixin gelinkii hore ee shalay Caasimadda Muqdisho ayaa waxaa halkaasi ku sii sagootiyay Wasiir kuxigeenka Arrimaha dibadda iyo iskaashiga Caalamiga **Eng. Mohamed Aden Ahmed**,Xoghayaha joogtada ah ee Wasaaradda Avv. **Hersi Haji Olosow**, danjirayaal iyo mas’uuliyiin kale. Mareeg.com