Mareeg Media
Somalia

Fatahaadii Beledweyne oo Ganacsi & Loolan Ka Dhashay

Kadib Fatahaadii dhibka badan ka dhashay ee ka dhacday caasimadda Hiiraan Beledweyne.

Waxaa bilowday gurmad aad u balaaran Dalka & dibadda. Waxaa la filayaa in kaalmadaasi kor u dhaafto 20 million dollar. Waxaa jira xafiisyo hoostaga sida:

1- RW Khayre oo kaalmada fatahaada u sameystay xafiis uu si dadban ugu maamulo lacagaha soo xarooda

     

2- Guddiga Gurmadka Fatahaada oo iyana 

    isbaaro kale dhigtay.

3- Xaaska Farmaajo Zaynab & Hayadeeda 

     Zaynab Macallin Foundation oo ilaa America, 

     sida Buffalo, New York, Colombus, Ohio, 

     Seattle, Washington lacag meelo kale 

     aruurisi ku martay magaca  fatahaada & 

     Beledwyne.

4- Madaxweyne Waare oo sameystay meel si hoose loogu maamulo lacagaha caawinaada ee ka soo xarooda Fatahaada  oo ay isla maamulaan una qeybsadaan saami isla eg Goodax Iyo Cali Guudlaawe 

Dowladda Farmaajo & Khayre waxay rabaan lacag ay doorasho ku galaan waxayna isha ku hayaan deeqaha Beledweyne aduunku ugu deqay.

Fatahaadii  2018 Talyaaniga ayaa ugu Deeqay Beledweyne  U$ 6 million si biyo xireen loo dhiso. Lacagtaas waxaa xanibay Wasiirada Qorsheynta, Beeraha & RW Khayre oo doonayay inay lacagtaas u qaataan si cash ah ama lacag loogu soo Shubi lahaa bankiyo si qaas ah loo leeyahay. Laakin Dawladii Talyaaniga ayaa la noqontay markii  qorshe fiican la’aan ka shakisay.

Haddana waxaa soo baxay in Biyo xireenka Beledwyne ay doonayaan inay dhisaan Bashiir Goobbe oo laga dhigay Maareeyaha Wakaaladda Dhiamaha Somaaliyeed & Hayadda ay leedahay xaaska Farmaajo Zaynab Macallin Foundation. Waa mashruuc ay wataan dhallinyaro  oo ay isku reer yihiin Madaxweyne Farmaajo si doorashada Farmaajo lacag loogu aruuriyo. 

Waxaa ka mid ah dadkaas:

1- Bashiir Goobbe.

2- Zaynab Macallin & walaalkeed Omar Faruq

3- Ahmed Farmaajo

3- Nur Diiriye Fuursade 

4- Balal Osman

5- Cabdishakur Ali Mire

6-  Nin ganacsada ah oo reer Beledweyne ah oo magaciisa hore keliya aan heyno Abdi Dheere. 

Said Farah

Beletweyne, Somalia. 

Get real time updates directly on you device, subscribe now.

Comments are closed.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More

Do NOT follow this link or you will be banned from the site!