Fatahaadda Webiga Shabeelle Ee Jowhar Oo U Gudbtay Tixsiile, Shabeellaha Hoose

Muqdisho, Mareeg.com: Fataahaaddii uu webiga Shabeelle ka sameeyey magaalada Jowhar ee gobolka Shabeellaha Dhexe ayaa u gubay deegaano ka tirsan Shabeellaha Hoose sida deegaanka Tixsiile oo saran wadada laamiga ah ee isku xirta Afgooye iyo Wanlalweyn.

Gudoomiyaha gobolka Shabeellaha Hoose C/qaadir Maxamed Nuur Siidii ayaa maanta gaaray deegaanka Tixsiile, halkaasoo ay soo gaareen biyaha webiga Shabeelle oo markii hore ka fatahay dhanka Jowhar, haatanse u gudbay dhanka Shabeellaha Hoose.

Wafdiga ka socda maamulka Shabeellaha Hoose ayaa qiimeyn ku sameeyey inta ay la egtahay saameynta ay yeelatay fatahaadaasi.

Guddoomiyaha goboka shabeelaha Hoose oo lahadlay warbaahinta ayaa sheegay in fatahaada webiga Shabeelle uu sameeyay dadka badan oo ku dhaqan deegaanno hoostaga gobolkaasi, isagoo intaa ku daray in ay ku bas beeleen dalagyo kala duwan.

“Waxaan dowladda dhexe ee Soomaaliya ka codsaneynaa in ay gurmad la soo gaaraan fatahaadda ka dhashay webiga Shabeelle, maadaama uu biyaha webiga saameeyay noloshada dad badan oo gobolkaasi ku dhaqan” ayuu yiri Guddoomiye Siiddii.

Weriyaal la socday wafdiga gudoomiyaha gobolka Shabeellaha Hoose ayaa soo sheegaya iney indhahooda ku arkeen beero badan oo ay dhex ceegaagaan biyo uu soo daayey webiga Shabeelle.

Gudoomiyaha gobolka Shabeellaha Dhexe Cabdi Jiinow Calasow ayaa todobaadkii hore ka digay in fatahaadda webigu u gudbi doonto dhanka Shabeellaha Hoose haddii aan si degdeg looga hortegin faafitaanka fatahaadda.

Mareeg.com