Fashilka shirka Garowe: Qaranka ma ku bedelaan Qabyaalad? * Mareeg.com somalia, World News and Opinion.
Mareeg Media
Somalia

Fashilka shirka Garowe: Qaranka ma ku bedelaan Qabyaalad?

Baryahan siyaasadda Soomaaliya xiiso gaar ah ayey ii leedahay waayo
waxa qormaya Taariikh. Waqtigu waa gaaban yahay. Waan in aan lumin
daqiiqad ka mid ah, maalin ka mid ah,(time is incredibly short and do
not waste a minute of it, a day of it)

Fashilka shirka Garowe oo aan helin dareenka saxaafadda gudaha iyo tan
caalamka waxa uu u muuqdaa mid mudan sidaa. Sababtu waxay tahay markii
horeba waa la go’aa Inyaw-da Madaxda Puntland.

Doodaha ugu adag ee kulamada  RW Cumar Cabdirashiid la yeeshay
hoggaamiyaasha Puntland iyo Jubaland waxa ugu adkaa dooda ku saabsan
Galmudug. Madaxda Puntland waxay ku doodayaan in Hal gobol iyo bar
aysan dastuurka Federaalka waafaqsaneyn.

Waaayaab!! Puntland waxay ka kooban tahay gobolada Bari iyo Nugaal iyo
qeyb ka mid ah Mudug haddii aanan qaldaneyn.

Dastuurka soomaaliya wuxuu qabaa labo gobol iyo wixii ka badan. Laakin
dastuurka soomaaliya ma qabo laba gobol iyo bar. Taas waxaa la mid ah
hal gobol iyo bar. Dad badan oo aan la hadlay waxay ku sifeeyeen
kulanka garowe waqti dhumis waana sida saxda.
Siyaasadda Soomaaliya waa mid lagu wareero.

Lama fahmi karo waxa dadka ka maqan oo ay tahay inay helaan. Tusaale
dowladda Federaalka, laga soo billaabo min Baarlamaan illaa
xukuumadda, Soomaali oo dhan waa u dhan tahay ama waa ku wada jiraan,
haddana Maamulo dhicis ah ayaa dadkii maskaxda ka qabsaday.

Haddii sharciyadda Baarlamaanka Federaalku ka shaqeyn waayaan Puntland
iyo meelo kale oo Soomaaliya ka mid ah, maxaa dadka beenta loogu
sheegayaa oo loo leeyahay, dowlad ayaa soomaaliya u dhisan.

Si kale, soo Puntland wakiilo kuma lahan Baarlamaanka Soomaaliya. See
qof soomaali ah oo caadi ah uu ku aaminayaa markay saas tahay in la
yiraahdo sharciyada Hay’addaha Federaalku waxay ku kooban yihiin
xamar.

Waa war uu ka dhex-muuqdo Jeermis qabyaaladeed. Soomaaliya iyadaa ka
dooratay, qarankii qabyaalad.Maalmahan waxan arkay qaar ka mid ah
warbaahinta ka hawlgasha Puntland oo dhiiragalinaya madaxda Puntland
kuna riixaya inay ku dhawaaqaan. Gooni, isu taag!!!!!!!!!!!!!!;-
(Without effective government anything is possible…..Somali people
once had effective functioning government they chose tribalism over
state and this is the result. It’s not too late to change course and
give our people some dignity)

Shalay iyo Maanta:Madaxda Puntland waxay hor’muud u ahaayeen shalay
arrimaha Federaaleynta Soomaaliya maantana waxa ka muuqda Federaal
diidnimo.

Arrimahan waxa dad badan ay u fasiran karaan waxaan rabo oo kaliya
ayaa soconaya haddii kale looma dhama. Anigu ma arag meel ay Dastuurka
Soomaaliya uga taalo labo gobol iyo bar waxay noqon karaan
Dowlad-goboleed, halka gobol iyo Bar aysan noqon karin isla sidaas.

Maamulka Galmudug sidaan qoraalo badan ku sheegay, waxa ku jira inta
badan qabaa’ilada Soomaalida ee wada dega. Madaxwayne kuxigeenka
Galmudug Mudane Maxamed Cabdi Xaashi (Carabeey), waxay ila tahay inuu
matali karo danaha dadka degan Jariiban iyo Galdogob, haddii aan
Federaalka la qabyaaladeyneynin.

Tusaale, haddii Madaxwayne Gaas uu rabo inuu matalo dadka ku nool
Laascaanood waa in uu ogolaadaa in Mudane Carabeey uu matalo Jariiban
iyo Galdogob.

Si kale, haddii Madaxwayneha Juba Axmed Madoobe uu matalo, dadka ku
nool Gedo, waa in Mr.Gaas iyo Kooxdiisa Juba ay ogolaadaan in Madaxda
Galmudug ay matalaan, dadka ku nool qeybo ka mid ah waqooyiga Mudug.

Doorka Jubaland ee arrimaha Puntland iyo Galmudug:  Uma arko
Soomaalinimo, iyo cadaalad in maanta maamulo jira ay isku bahaystaan
hab-qabyaaladeysan.

Soomaaliya waa in ay hora u socotaa oo aysan dib ugu laaban maalmihii
mugdiga. Haddiise la waayo muwaafaqo iyo wada-socod, fashilka dhaca
kuma ekaanayo reer kaliya ee waa mid saameyn karo qof walba oo
Soomaali ah.

Waxaa layaab leh oo aad u fool-xumo ah in dad ka tirsan Maamulka Juba
ee Madaxwayne Axmed Islaam ay xitaa qabyaaladeeyeen arrimaha muranka
Badda Soomaaliya ay ku Kenya ku hayso, tiiyoo aad ku arkayso
Meerayaasha ku hadla afka Maamulada Jubooyinka iyo Puntland qoraalo,
ay ka muuqato in xitaa arrimihii badda Soomaaliya la galinayo shaki
iyo inaan sharciga lagu kala bixin.

Waxaan qiyaasi karaa in dad badan oo Jubooyinka ka soo Jeeda aysan
aqbali karin waxa ka jira dhulkaas oo hadda ay Kenya si toos ah iyo si
dad badan u maamusho.

Hore Kenya waxay u qaadatay dhul Soomaaliyeed(NFD). Madaxda iyo
Taliyeyaasha Baliiska gobolkaas ma ahan dad u dashay deegaanka ee waa
Kukuuyo iyo dad laga keenay gobolada Kale ee Kenya.

Hoggaamiyaasha Jubbooyinka waxa la gudboon inaysan ku mashquulin daba
oradka, mugdiga badan leh ee Madaxda Puntland. Soomaalidu waxay
tiraahdaa, Nin aan Awrka kuu furi doonin Yuusan kuu rarin.

Taa macnaheedu waxa ay tahay in Madaxda Jubaland ay ka fiirsadaan
daba-oradka Madaxda Puntland oo ay isku filnaadaan arrimahana si
Soomaalinimo ah dhex-dhexaad uga noqdaan haddii kale Soomaaliya waxay
ku socotaa, god Mugdi ah.

Federaalka qabyaaladeysan ee Soomaaliya waxa uu halis ku yahay
jiritaanka mustaqbalka Jiilka cusub ee Soomaaliya waxana sabab u ah
siyaasiinta maanta.

Qore: Mohamed Odowa,

E-mail: reporter.odowa@gmail.com

Get real time updates directly on you device, subscribe now.

Comments are closed.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More

Do NOT follow this link or you will be banned from the site!