Mareeg Media
Somalia

Fashil ku yimid Shirkii madaxda maamul goboleedyada ay ku yeelan lahaayeen Nairobi

Warar kala duwan ayaa ka soo baxaya Shir madaxda Maamul goboleedyada ku yeelan lahaayeen magaalada Nairobi oo la sheegay inuu dib u dhac ku yimid, iyadoo shirkan qaban qaabadiisa ay aad u socotay maalmihii u dambeeyay.

Sida qorshuhu ahaa waxay eheyd inuu shirka furmo shalay oo Arbaco aheyd, balse waxa uu noqday mid aan qabsoomin, iyadoo aan wali si rasmi ah loo shaacin sababta dhabta ah ee dib u dhaca keenay.

Wararka qaar ayaa sheegaya in shirka u baaqday culeysyo siyaasadeed oo soo food-saaray Maamulada qaar iyo arrimo farsamo.

Madaxweynaha Puntland Siciid Deni oo lagu waday inuu gaaro magaalada Nairobi ayaa ka degay magaalada Addis Ababa, halkaasoo uu kula kulmay mas’uuliyiin kala duwan, waxaana berri oo Jimco ah la filayaa inuu dib ugu laabto magaalada Garowe.

Sidoo kale Madaxweynaha Hirshabeelle Maxamed Cabdi Waare ayaa shalay ka soo tagay magaalada Nairobi, isagoo ku baxay xiisadda ka taagan magaalada Beledweyne ee Gobolka Hiiraan.

Magaalada Nairobi waxaa haatan ku wada sugan madaxweynayaasha maamulada Galmudug iyo Jubaland, iyadoo Axmed Madoobe muddooyinkan uu halkaasi joogay, halka Xaafna uu duhurniamdii shalay gaaray, labadan madaxweyne ayaa ah kuwa sida aadka ah u daneynaya qabsoomida shirkan.

Get real time updates directly on you device, subscribe now.

Comments are closed.

Do NOT follow this link or you will be banned from the site!