Fasal Cali Waraabe”Farmaajo waxa uu doonayaa in dekadeenaha uu ku wareejo Itoobiya. * Mareeg.com somalia, World News and Opinion.
Mareeg Media
Somalia

Fasal Cali Waraabe”Farmaajo waxa uu doonayaa in dekadeenaha uu ku wareejo Itoobiya.

Guddoomiyaha Xisbiga Mucaaradka ah UCID ee Soomaaliland Eg Feysal Cali Waraabe ayaa ka warbixiyay kulamo Magaaladda Nairobi uu kula qaatay wakiilo ka socday beesha Caalamka iyo siyaasiyiin Soomaaliya ah oo uu kamid yahay Madaxweynaha Jubbaland Axmed Maxamed Islaam Madoobe.

Eng, Feysal Cali Waraabe ayaa sheegay inay siyaasiyiinta ka wada hadleen kana tashadeen in ay ka hortagaan qorsho ay wadaan,Madaweyne Farmaajo,Ra’isul Wasaaraha Itoobiya,Safiirka Maraykanka ee Soomaaliya iyo dalal kale oo Dekadaha soomaaliya loogu wareejinayo Itoobiya.

Waxaa uu sheegay in ay madaxda ka shireen sidii Soomaaliya loo badbaadin lahaa,waxaana uu Madaxweyne Farmaajo ku eedeeyey in uu wado qorsho Dekadaha Soomaaliya loogu wareejinayo Itoobiya.

“Laba mid  ayuu ku saabsan yahay safarkeyga Beesha Calamka iyo Siyaasiyiin Soomaali ah oo aan la kulmay iyo inaan ka hortagno qorsho ay wadaan xubno uu kamid yahay safiirka Mareykanka ee Kenya,madaxdii Soomaalida ee aan kulanay waxaan ka wada-hadalnay inaan Itoobiya ka badbaadino Badeena ayuu yiri” Feysal Cali Waraabe.

Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdulaahi Farmaajo ayuu ku eedeeyay in uu doonayo in dekadaha deegaanada Maamulka Somaliland uu gacanta u galiyo Itoobiya oo uu sheegay in ay doonayaan in ay ku milmaan geeska Afrika oo ay ku darsato dulka Soomaalida.

Fasal Cali warabe ayaa sidoo kale Waxaan la aqbali Karin ku tilmaamay Mudo kordhinta loo sameeyay Golayaasha Wakiiladda iyo Guurtada Somaliland oo uu sheegay in Madaxweynaha Somaliland uu doonayo in uu deegaanadaasi ku Xukun kaligii talisnimo ah.

Get real time updates directly on you device, subscribe now.

Comments are closed.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More

Do NOT follow this link or you will be banned from the site!