Mareeg.com: Maamulka KMG ah ee Jubba ee fadhigiisu yahay Kismaayo ayaa ka digay xiisad colaadeed oo sida uu sheegay ka dhalan karta shir qabanqaabadiisa ka socoto degmada Garbahaarrey ee gobolka Gedo.
Hoggaamiye ku xigeenka koowaad ee maamulka, Cabdullaahi Ismaaciil Fartaag oo kazoo jeeda gobolka Gedo ayaa sheegay in gobolkaas uu ka socdo qabanqaabada shir la doonayo in lagu carqaladeeyo shirweynaha dib u heshisiisiinta ee ka socda magaalada Kismaayo.
Fartaag ayaa ku tilmaamay shirka Garbahaarrey mid sharci darro ah oo ay wadaan dad uu ku tilmaamay inay leeyihiin ‘dano gaar ah’.
Wuxuu sheegay in shirka Kismaayo uu yahay shir ay taageertay dowladda federaalka iyo beesha caalamka. Shirka Kismaayo ayuu sheegay inuu yahay mid u furan cid kasta oo ka soo jeedda deegaannada Jubbaland oo qabta cabashooyin ka dhan ah maamulka Jubba.
Wuxuu xusay inaan gobollada Jubbooyinka looga baahnayn colaad hor leh, ee loo baahan yahay in loo istaago sidii loo samatabixin lahaa dadka ay abaartu saameysay.
This site uses functional cookies and external scripts to improve your experience. Which cookies and scripts are used and how they impact your visit is specified on the left. You may change your settings at any time. Your choices will not impact your visit.
NOTE: These settings will only apply to the browser and device you are currently using.
Comments are closed.