Garowe, Mareeg.com: Madaxwaynaha maamulka Puntland Cabdiraxman Faroole iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa maanta oo jimce ah u ambabaxay dalka Itoobiya.
Faroole iyo wafdiga la socda oo ka dhoofay Garowe ayaa ka qeybgelaya xuska qowmiyadda dega wadanka Ethiopia oo sanadkaan lagu qabanayo magaalada Jig-jiga ee caasimadda dowlada deegaanka Soomaalida.
Madaxweyne Faroole oo saxaafada kula hadlay garoonka diyaaradaha magaalada Garowe ayaa sheegay inuu qorshaysanaa safarkaan mudo bil ka hor ayna xuskaasi ka qayb gali doonan.
Wuxuu sheegay Faroole in xuskaasi oo ay kasoo qayb galayaan inta badan dowladdaha Africa uuna kulamo la yeelan doona madaxda Ethiopia iyo kuwo kale ee ka qayb galaya.
Faroole ayaa xusay in xilliga uu u aadayo safarka Jig-jiga ay kusoo aaday xilli Puntland ku jirto xaalad adag, wuxuuna xusay iney ay sida ugu dhaqsiyaha badan ugu dib ugu soo laaban doonan magalada Garowe
Amaanka magaalada Jig-jiga ee xarunta dowladda deegaanka Soomaalida Itoobiya ayaa aad loo adkeeyay maadama lagu qabanayo xuska Qabiilada dega dalkaasi oo sanadkiiba hal mar la xuso.
Mareeg.com