
Garowe, Mareeg.com: Madaxweynaha maamulka Puntland C/raxmaan Faroole ayaa maanta soo saaray wareegto ka hadleysa soo xulidda golaha wakiilada maamulkaas iyo xilliga ay qabsoomeyso doorashada madaxtinimo.
Wareegatda kazoo baxday xafiiska madaxweyne Faroole ayaa lagu sheegay waxyaabaha soo socda:
1- In beelaha gobollada Puntland usoo xushaan golaha wakiilada si waafaqsan dastuurka Puntland qodobka 61-aad, una soo gudbiyaan guddiga ansixinta iyo xallinta khilaafaadka ilaa 10/12/2013, iyagoo ku dadaalaya iney khilaafaadka kusoo dhameystiraan beelaha dhexdooda.
2- Waxaa la furayaa kalfadhiga ugu horeeya ee goblaha wakiilada Puntland ee cusub 1/1/2014, iyagoo dhameystiran dooda howshooda gaarka ah inta u dhaxeysa 1-da ilaa 6-da Janaayo 2014 sida; doorashada gudoonka, guddiga doorashad iyo wixii kale ee la xiriira.
3- Doorashada madaxweynaha iyo madaxweyne ku xigeenka waxey dhici doontaa 8/1/2014 haddii Alle idmo.
4- Waxaa xeer gaar ah lagu soo saari doonaa magacaabista guddiga ansixinta iyo xallinta khilaafaadka.
Doorashada madaxtinimo ee maamulka Puntland ayaa waxaa u taagaan siyaasiyiin farabadan oo isugu jira kuwo horay loo yaqaanay iyo kuwo aan si weyn loo aqoonin.
Mareeg.com