Faroole Oo Magacaabay Guddiga Xallinta Khilaafaadka Iyo Ansixinta Xildhibaanada

Read Time:1 Minute, 14 Second

Garowe, Mareeg.com: Madaxwaynaha maamulka Puntland Cabdiraxmaan Maxamed Faroole ayaa maanta magacaabay guddiga xalinta khilaafaadka ee doorashada, kuwaasoo ka kooban 8-xubnood.

Guddigaan ayaa la sheegay iney xallin doonaan khilaafaadka ka dhex aloosma beela dhexdooda ee ka dhalan kara xubnaha uga mid noqnaya golaha Wakiilada Puntland oo duubabka dhaqanku soo xulayaan.

Guddiga uu madaxweyne Faroole magacaabay oo uu magacyadooda warbaahinta u aqriyey Agaasimaha Madaxtooyada Puntland Axmed Caydiid Cismaan ayaa kala ah:

1: Eng.Yuusuf Abshir Cadami Gudoomiye
2: Cismaan Guureeya Kaarshe Xubin
3: Egn.Maxamuud Axmed Xasan Xubin
4: Maxamed Cabdilaahi Faarax(Cillal) Xubin.
5: Caaqil Cabdiraxmaan Axmed Xaaji Diiriye Xubin.
6: Caaqil Abshir Cabdi-Raxmaan Caraale (Dhegacas) Xubin.
7: Caaqil Siciid Xasan Xaaji Yuusuf (Warabacade) Xubin
8: Maxamed Cabdiqaadir Cismaan Xoghayn.

Madaxwaynaha dowladda Puntland oo saxaafadda la hadlay ayaa sheegay inay sharci tahay in madaxwaynaha uu soo magacaabo guddiga xalinta khilaafaadka ee doorashada, wuxuuna waxba kama jiraan ku tilmaamay hadallo kasoo baxay qaar ka mid ah murashaxiinta xilka madatxinimadda u tartamaya.

Magacaabista guddigan ayaa waxaa ka jira dood badan, waxaana siyaasiyiinta u taagan tartanka madaxtinimadu shaki ka qabaan inuu noqdo mid si gaar ahy ugu xagliya madaxweynaha xilligaan ee Puntland C/raxmaan Faroole, maadaama uu isagu magacaabay.

Waxaa la leeyahay guddigan waxaa u badan isla markaana guddoomiye looga dhigey siyaasiin ku dhaw Faroole kuwaas oo ka tirsanaa Golihii dhexe ee Xisbigii HORSED ee Faroole madaxda ka ahaa.

8-da bishaan Janaayo 2014 ayaa lagu wadaa iney magaalada Garowe ka dhacdo doorashada madaxtinimada Puntland.

Mareeg.com

About Post Author

A warsame

Published by senior editor and managing Director of Mareeg Media Mr A Warsame Whatup :+447737886245
Happy
Happy
0 %
Sad
Sad
0 %
Excited
Excited
0 %
Sleepy
Sleepy
0 %
Angry
Angry
0 %
Surprise
Surprise
0 %