
Muqdisho, Mareeg.com: Madaxweynaha maamulka Puntland C/raxmaaan Faroole oo bilowga sanadka cusub musharrixiin badan kula tartamayaan xilka madaxweynaha ayaa ku faanay inuu ka xogogaalsanyahay dhamaanka raga doonaya iney la tartamaan.
Faroole oo ka hadlay musharraxnimadiisa ayaa tilmaamay in aysan jirin cid kaga xog ogaalnimo badan guud ahaa arrimaha Soomaaliya gaar ahaan arrimaha maamulka Puntland,
Wuxuu sidoo kale Faroole xusay in musharaxiinta doonaya iney isaga la tartamaan aysan waxbanada ogeyn arrimaha Soomaaliya iyo maamulka Puntland.
“Ma jirto cid iiga xog-ogaalnimo badan Soomaaliya iyo Puntland ma jirto” ayuu yiri Faroole.
Faroole oo dhowr jeer oo hore dowladda Federaalka ugu hanjabay iney Puntland tashan doono marar ay is qabteen, ayaa markaan maciin biday inuu doonayo inuu soo celiyo midnimada Soomaaliya, isagoo xusay in xilligan saluug badan uu jiro sida uu yiri.
“Waxaa ku dadaalayaa inaan ka shaqeeyo nidaamkii dowladnimo ee Soomaaliya, sidii hal u noqon laheyd, inkastoo haatan saluug badan uu jiro” ayuu yiri Mr Faroole.
Doorahso madaxtinimo ayaa horaanta bisha Janaato ee sanadka cusub ee 2014 ka dhici doonta deegaanada Puntland, iyadoo ilaa hadda ay isi soo taageen tieo ka badan 15 Musharrax.
Mareeg.com