Garowe, Mareeg.com: Iyadoo maamlmihii lasoo dhaafay xeebaha badweynta Hindiya ee dalka Soomaaliya ay da’ayeen roobab wata dabeylo ayaa manta waxaa khasaraaha ka hadlay madaxweynaha maamulka Puntland C/raxmaan Faroole, iyadoo deegaanada roobaabkaasi ka da’ayeen yihiin deegaanada Puntland.
Shir balaaran ayaa maanta 10 Nov, 2013 ka dhacay xarunta wasaarada caafimaadka maamulka Puntland, waxana Madaxweynaha Puntland Cabdiraxman Farole ku dhawaaqay guddiga xaalada deg dega ah iyo gargaarka dadka dhibaateysan.
Madaxweynaha Puntland, Cabdiraxmaan Sheekh Maxamed Faroole ayaa sheegay inay roobabka ku dhinteen 100 qof, sidoo kalena ay ku baaba’een kumannaan xoolo ah. Tiradaan maamulku sheegay oo ah mid aad u badan ayaan la sheegin tirkoob rasmi ah oo loo cuskaday.
Shirkaas waxa joogay ilaa 30 Hay’adood oo ka shaqeeya Puntland, kuwaasi oo dowladdu ka codsatay inay gacan ka siiyaan gurmadka dadka waxyeeladu ka soo gaartay roobabka dufaanta wata.
Guddiga uu Farole ku dhawaaqay ayaa ka kooban wasaarada Qorshaynta, Arrimaha gudaha, Caafimaadka iyo hay’ adda maareynta masiibooyinka Puntland ee HADMA.
Markii uu soo dhamaaday shirku ayaa saxaafada waxa uu u sheegay Madaxweyne Farole ku dhawaaqista guddiga (Puntland Disaster Management and rescue Committee), waxana uu raacshay in maamulkiisu uusan waxba ka hakran doonin sidii ay raashin iyo daryeel caafimaadba u gaarsiin lahaayeen dadka dhibaateysan.
Dadweynaha Puntland iyo ganacsatada ayuu ugu baaqay madaxweynuhu inay kaalin ka qaataan gurmadkan loo fidinayo dadka dhibaateysan.
Dhanka kale, waxaa maanta oo Isniin ah xeebaha Puntland iyo qeybo kamid ah gobalada Bari laga dareemayaa roobab xoogleh oo dabeylo wata, iyadoo hay’adaha la socda cimilada ay ka digeen khasaaraha ka imaan kara.
Roobkan dabaylaha wata ayaa ah duufaan ka dhalatay bada carbeed habeenimadii Jimcaha, isla markaana usoo dhaqaaqday dhinaca xeebaha Soomaaliya gaar ahaan Waqooyi Bari dalka Soomaaliya.
Roobabkan ayaa la sheegay inay wataan dabaylo xawaarahooda gaari kara 100km saacadiiba, iyadoo lagu tilmaamay duufaantan Tropical Cyclone Three (03A).
Roobabkan ayaa la sheegay in la filayo inay biyo badan dhigaan, waxaana la digay daadad ka dhici kara goobaha qaarkood, sida dhulka buuraleyda ah.
Mareeg.com