Faroole Oo Booqanaya Deegaankii Khasaaraha Ugu Badan Kala Kulmay Duufaantii Bishii Hore

Read Time:52 Second

Garowe, Mareeg.com: Madaxweynaha maamulka Puntland Cabdirxman Maxamed Faroole ayaa maanta u ambababaxay deegaanka Qarxis oo ka mida deegaanadii ay duufaantu saamaysay bishii aynu soo dhaafnay.

Boqolaal qof ayaa lagu waayay deegaankaas, ku dhowaad hal Malyan oo xoolo ayaa ku baqtiyay, waxana sidoo kale cayroobay boqolaal qoys.

Maamulka Puntland, Culimadda iyo jaaliyadaha dibadda ayaa intuba u istaagay sidii loogu gurman lahaa dadka tabaaleysan, waxan loo xil saaray arintaasi guddi isku dhaf ah oo dowladda, culimada iyo bulshada rayidka iskugu jira.

Wafdiga Madaxweynaha ayaa waxa ku jira wasiiro, hawlwadeeno iyo weliba culimadda Puntland, waxaana dadka ku nool deegaankaas loo iibiyey in ka badan 15 kun oo neef, kuwaasi oo lagu wareegin doono markii ugu horeysay qoysaskii ku cayroobay duufaanta.

Saddex geesoodka Eyl, Dangorayo iyo Bayla u dhaxeeyaa ayaa ugu badan deegaamada ay duufaatu saameynta ku yeelatay, waxaana Faroole markuu duufaantaasi dhacday awoodi waayey inuu deegaanadaas badankood gaaro, wadooyinka oo xumaaday aawgeed.

Booqasahda Faroole ee deegaanada duufaantii xooganeyd ku dhufutay bishii hore November ayaa kusoo beegmay xilli musharraxiinta xilka madaxtinimada Puntland ay bilaabeen ololahooda doorasho.

Mareeg.com

About Post Author

A warsame

Published by senior editor and managing Director of Mareeg Media Mr A Warsame Whatup :+447737886245
Happy
Happy
0 %
Sad
Sad
0 %
Excited
Excited
0 %
Sleepy
Sleepy
0 %
Angry
Angry
0 %
Surprise
Surprise
0 %