Faroole: Ninkii Isku Qarxiyey Boosaaso Wuxuu Kasoo Jeeday Shabeellaha Dhexe

Read Time:57 Second

Garowe, Mareeg.com: Madaxweynaha maamulka Puntland C/raxmaan Faroole ayaa maanta 6/12/2013 sheegay in la aqoonsaday nin shalay isku miidaamiyey magaalada Boosaaso, kaasoo dilay ilaa 7 qof, dhaawacaynna ilaa 37 kale.

Faroole oo manta warbaahinta kula hadlay Garowe ayaa sheegay in laamaha amaanka ay aqoonsadeen ninkii fuliyay qaraxii gaariga loo adeegsasaday ee shalay lagu qaaday Kolonyo ay wateen ciidamada badda Puntland iyo saraakiil ajnabi ah oo la socotay oo ka tirsanaa shirkadda SARACEN.

Faroole ayaa sheegay in ninka watay gaariga is qarxiyey lagu magacaabo Axmed Ibraahim Axmed Aadan, islamarkaana kana soo jeeda gobolka Shabeelada Dhexe sida uu yiri.

“Waanu haynaa xogta ninkii qaraxa sameeyey, waa la daba galay magaciisa waxaa la yiraahdaa Axmed Ibraahim Axmed Aadam, waa reer Shabeelle, Shabeellaha Dhexe ayuu ku dhashay…” ayuu yiri Faroole.

Madaxweyne Fareoole ayaa sheegay in falkaas loo soo qabtay shan nin oo kale, kuwaasoo dhamaan kazoo jeeda gobollada koonfurta Soomaaliya “5-ta kale ee la qabtay intuba waa reer koonfureed, waa inta ka shisheysa gobollada dhexe” ayuu sidoo kale yiri Faroole.

Faroole ayaa ugu dambeyntii Reer Puntland ugu baaqay iney muujiyaan midnimo iyo inay hal meel uga soo wada jeestaan cadawgooda.

Mareeg.com

About Post Author

A warsame

Published by senior editor and managing Director of Mareeg Media Mr A Warsame Whatup :+447737886245
Happy
Happy
0 %
Sad
Sad
0 %
Excited
Excited
0 %
Sleepy
Sleepy
0 %
Angry
Angry
0 %
Surprise
Surprise
0 %