Garowe, Mareeg.com: Madaxweynaha maamulka Puntland C/raxmaan Faroole oo maanta dib ugu laabtay magaalada Garowe kadib markii magaalada Jigjiga uga qeybgalay xuska maalinta Qowmiyadaha Itoobiya ayaa sheegay in musharraxiinta sanadkaan u taagan xilka madaxtinimo ee maamulkaas ay yihiin kuwa aan tayo laheyn sida uu yiri.
Faroole oo dadweyne farabadan oo soo dhaweeyey hadal ugu jeediyey Fagaare ku yaalla Garowe ayaa sheegay in musharraxiinta ka qayb gelay doorashadii sanadkii 2009 ay ka tayo badnaayeen kuwa sanadkaan isi soo taagay, wuxuuna yiri “kuwii isa soo sharaxay 2009 iyo kuwa hada isku tayo maahan, waagaas waxa isa soo sharaxay dad yar oo dhab ay ka tahay dowladnimadu, anaa ka midahaa’’.
C/raxmaan Faroole ayaa si gaar ah u weeraray R/wasaarihii hore ee dowladdii KMG aheyd ee Soomaaliya C/weli Maxamed Cali Gaas oo ka mid ah musharraxiinta, wuxuuna ku tilmaama nin aan khibrad laheyn oo uu isagu sabab u ahaa inuu R/wasaare noqodo.
“Maalin dhoweyd nin baan ka dhegeystey idaacad xayeysiis u sameynayso, nin weyni inuu been sheego waa ka xaaraan, wuxuu ahaa ninkaasu nin aan anigu ugu wacnaa in xafiis dowladeed oo ku xiga kan dalka ugu sarreeyo la geeyo, shaqo dowladeed weligiis hal sano ayuu qabtay” ayuu yiri Faroole oo sida muuqata ka hadlayey C/weli Gaas.
Faroole wuxuu qaar ka mid ah musharaxiinta ku eedeeyay inay lacago ak soo qaateen xukumada federaalka ah ee Soomaaliya, islamarkaasina doonayan inay fowdo iyo qas ka sameyaan Puntland si mamulka meesha looga saaro oo gobol gobol laga dhigo, sida uu yiri.
Faroole ayaa dhanka kale ku faanay inuu wax badan ka qabtay maamulka Puntland tan iyo markii xilkaas loo doortay sanadkii 2009.
“Maanta Puntland Dowladda dhisan weeye nidaam leh, dastuur leh, calan leh, xeerar kale leh, ciidan kala gedisan leh, waxay leedahay shacab wayne iyo dawlad wada shaqeynaya oo isku kalsoon, waxay hormuud u tahay dowladd Soomaaliyeed oo Federal ah’’ ayuu yiri Farole.
Madaxweynaha maamulka Puntland ee xilligaan C/raxmaan Faroole iyo musharraxiinta la tartamaya ayaa maalmihii lasoo dhaafay waxaa dhaxeeyey tartan xoog leh, waxaana labada dhinac ku kala dhawaaqeen labo guddi oo mid kasta lagu sheegay “Guddiga xallinta khilaafaadka iyo ansixinta xldhibaanada”.
Mareeg.com