Faroole: Ma Ogolaaneyno In Garowe Lala Galo Ciidan Burcad Badeed Iyo Argagixiso Isugu Jira

Garowe, Mareeg.com: Madaxweynaha maamulka Puntland C/raxmaan Faroole ayaa manta si cad u diiday in musharraxiinta xilka madaxweynaha ay lasoo galaaan magaalada Garowe ee xarrunta maamulka Puntland oo bisha soo socota ee Janaayo lagau qabanayo doorashada madaxtinimo.

Faroole oo manta booqday xarrunta Radio-ga iyo TV-ga maamulka Puntland ayaa hadal uu jeediyey ku sheegay ineysan jirin cid magaalada Garowe lasoo geli karta ciidamo argagixiso ama burcad badeed ah sidaq uu yiri.

Wuxuu sheegay Faroole inuu maqlay musharraxiin ku adkeysanaya iney Garowe la galaan gaadiidka tikinida ah iyo hub kale, wuxuuna xusay inaan taas marna laga aqbali doonin.

“Qaar baa la ii sheegayay ku doodaya in ay ciidan badan lasoo galaan Caasimada, waxayna doonayaan in ay ka qayb galaan doorasho Puntland ka dhacda, sidee arintaasi u dhacaysaa hadiiba nin walba uu wato tikniko iyo ciidan badan” ayuu is weydiiyey Faroole.

“Waxaan leeyahay cidi ogolaan meyso in lala soo galo magaalada ciidan Burcad badeed iyo Argagixiso isugu jira ee ah kuwii buuraha ku jiray oo darees ciidan loo soo gelshay waxaana leeyahay magaaladu waa caasimad amnigana dad baa u xilsaaran, yaan la moodin in si fudud ciidan loola soo geli karo” ayuu sidoo kale yiri Madaxweyne faroole.

Faroole ayaa hadlakaan jeediyey kadib markii manta ciidamada amaanka maamulka Puntland u diideen musharaxa tartanka ugu jira kursiga madaxweynaha ee Puntland 2014 Dr. Shire Xaaji Faarax inuu labo tikniko ah la galo magaalada Garowe.

Musharraxa Shire Xaaji Faarax ayaa ka laabtay meel Garowe u jirta ilaa 60KM kadib markii ciidanka amnigu diideen inuu magaalada la galo tikniko uu watay.

Mareeg.com