Boosaaso, Mareeg.com: Madaxweynaha maamulka Puntland Cabdiraxmaan Maxamed Faroole oo shalay gaaray qeybo ka mid ah deegaanadii ay todobaadkii hore ku dhufatay duufaanta, wuxuuna ka hadlay sida loo maaamulayo gurmadka loogu deeqo dadka duufaantu saameysay.
Faroole oo booqanaya deegaanada xeebtaha ah ee duufaantu sida weyn u saaneysay ayaa sheegay in kaalmo kasta ee lasoo gaarsiiyo ay qorayaan, kuna bixinayaa meesha ugu haboon.
Faroole ayaa xusay iney ku dadaali doonaan sidii looga fogaan lahaa khlad ku dhaca gurmadka Soomaalida iyo beesha caalamku ugu deeqayaan dadkii duufaantu ku dufatay deegaanada xeebta ah ee Puntland.
Farole waxa uu la kulmay dadkii ku cayroobay dufaanta iyo daadadkii ka danbeeyay, waxana uu ka dhageystay warbixino ku saabsan inta uu gaariisanyahay khasaaraha dhacay.
Waxa uu dadka u sheegay madaxweynuhu inaysan ka hagran doonin wixii itaalkooda ah sidii ugu gurman lahayeen dadka iyo dadka dhibaateysan.
13 ka mid ah musharrax oo ka mid ah siyaasiyiinta Faroole bisha Janaayo e sanadka soo socda kual tartamaya xilka madaxweynaha maamul goboleedkaas ayaa bayaan ay soo saareen uga digay in Faroole dhaqaalaha gurmadka uga faa’iideysto ololaha doorashada.
Dhanka kale, diyaarado ay leeyihiin ciidamada Miletry-ga Dowlada Ethiopia ayaa shalay soo cago dhigtey garoonka diyaaradaha ee magaalada Garowe, waxaana ay sideen gargaar isugu jira cuntooyin, daawo iyo agabyo kale.
Waa markii labaad ee diyaarado ka socda Itoobiya ka degaan garowe iyadoo Jimcihii ay halkaas gaartay diyaarad ciidan oo siday qalab kooban iyo Injineero qiimeynaya buunadada Sunnijiif eee daadadku jabiyeen, 60KM u jirta Garowe.
Mareeg.com