Faroole: Dadkii I Nacbaa Waxaan Leehay Ogaada Nin Ila Mid Ah Ayaa Yimid
Garowe, Mareeg.com: Madaxweynaha maanta xilka wareejiyey ee maamulka Puntland C/raxmaan Faroole ayaa sheegay inuu xilkaas la wareegay ninka isaga la mid ah sida uu yiri, isagoo ka hadlay xafladii xil wareejinta ee manta lagu qabtay magaalada Garowe ee xarrunta maamulka Puntland.
Faroole ayaa tilmaamay inuu ku wargelnayo dadkii isaga ncebaa inuu xilka la wareegay nin isga la mid ah “Haddii ay jireen dad aniga I necbaa oo doonayey inaan meesha ka baxo, nin ila mid ah ayaa yimde ogaada” ayuu yiri Faroole.
Faroole oo muddo 5 sano hogaaminayey maamulka Puntland ayaa lahaa mucaarad farabadan oo isugu jiray reer Puntland iyo deeaanada kale ee Soomaalida.
Sidoo kale, Faroole iyo madaxda dowladda Soomaaliya ee xilligaan jira ayaan is jecleyn, wuxuuna Faroole horay xiriirka ugu jaray dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya.
Madaxweynaha cusub ee la doortay ee maamulka Puntland C/weli Maxamed Cali Gaas oo horay u ahaa Raysul Wasaarihii Soomaaliya oo maanta xil wareejinta ka hadlay ayaa sheegay inuu Faroole uga baahan yahay macluumaada, waaya aragnimo iyo talo.
Mareeg.com
Comments are closed.