Farmaajo oo qaba in dib u heshiisiin lala furo Alshabaab * Mareeg.com somalia, World News and Opinion.
Mareeg Media
Somalia

Farmaajo oo qaba in dib u heshiisiin lala furo Alshabaab

Mareeg.com: Ra’iisul Wasaarihii hore Dowladdii KMG aheyd ee Soomaaliya, Maxmed C/laahi Maxamed ”Farmaajo” ayaa qaba in looga faa’iideysto dilkii hogaamiyihii Alshabaab in wada hadal lala furo ururkaas.

Maxmed C/laahi Farmaajo ayaa sheegay in dowladda Soomaaliya looga baahan yahay dib u sheshiisiin ay la gasho Al-shabaab, gaar ahaan kuwa nabada ogol islamarkaana looga faa’ideysto Dhimashada Axmed Godane, sida uu yiri.

Farmaajo ayaa tilmaamay in mudada 45-ta cesho ah ee dowladda Soomaaliya u qabatay in Alshabaab isku soo dhibaan aysan aheyn mid ku filan, oo loo baahan yahay in loogu baaqo nabad iyo dib u heshiisiin.

“45-tii cisho ee dowladda Soomaaliya ay u qabatay Al-shabaab in ay isku soo dhiibaan kuma filna, waxaa loo baahan yahay dib u heshiisiin furan oo Al-shabaab lala galo si loo ciribtiro”ayuu yiri Farmaajo.

Ra’iisul Wasaarihii hore ee Soomaaliya Maxamed C/laahi Farmaajo ayaa sheegay in dhalinyarada u dagaalanta Al-shabaab ay yihiin Dhalinyaro Soomaaliyeed islamarkaana lagu dadaalo sidii looga soo reebi lahaa ururkaas iyo afkaarihiisa.

Mareeg Media

Get real time updates directly on you device, subscribe now.

Comments are closed.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More

Do NOT follow this link or you will be banned from the site!