Farmaajo Oo Lacag Ciid Mubaarak Ugu Deeqay Caruur Ku Nool Degmada Afgooye * Mareeg.com somalia, World News and Opinion.
Mareeg Media
Somalia

Farmaajo Oo Lacag Ciid Mubaarak Ugu Deeqay Caruur Ku Nool Degmada Afgooye

Madaxweynaha dowlada Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa lacag deeq ahaan oo gaareysa 20,000 oo dollar gaarsiiyay carruurta Agoonta ee ku jira xerada Agoonta ee Degmada Afgooye oo ay gacanta ku hayaan Ciidamada Asluubta Soomaaliyeed.

Agaasimaah warfaafinta Madaxtooyada Cabdinuur ayaa booqday halkaasi waxaa uu ku wareejiyey mas’uuliyiinta xarunta lacag Madaxeynuhu ugu talagalay in carruurtaasi ku ciido, ilma kasta waxaa kusoo aaday $110.

“Waxaan halkan u nimid markii ugu horeysay anagoo wakiil ka ah Madaxweynaha Soomaaliya deeq lacageed oo naloogu soo dhiibay inaan ku wareejino carruurtan oo hadda halkan ku fadhiya 170 canug, tiradoodu guudna ay tahay 180, canug, laakiin toban ka mid ah ay xanuuno kala duwan ugu maqanyihiin, canugiiba aan u keenay boqol iyo toban dolar oo isugu jirta ciid iyo waxyaabo kale oo ay ka dhigtaan nooli”, ayuu yiri Cabdinuur Maxamed Axmed.

Waxa uu sidoo kale sheegay in Madaxtooyada Soomaaliya ay ka faallo qaadeyso Carruurta isla markaana noloshooda ay si dhaw Madaxtooyada ula soconeyso.

Get real time updates directly on you device, subscribe now.

Comments are closed.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More

Do NOT follow this link or you will be banned from the site!