Farmaajo oo ka qeyb galaya shir Xasaasi ah oo ka dhacaya dalka * Mareeg.com somalia, World News and Opinion.
Mareeg Media
Somalia

Farmaajo oo ka qeyb galaya shir Xasaasi ah oo ka dhacaya dalka

Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa waxaa maanta lagu wadaa in uu Magaalada Ankara ee Caasimadda dalka Turkiga uu ka qeyb galo Shirka Golaha Guud ee xisbiga Taladda Haya ee dalka Turkiga.

Faraamjo ayaa waxa uu khudbad dhinacyo badan taabaneysa uu ka jeedin doonaan shirka Lixaad ee ay yeelanayaan golaha wakiillada ee Xisbiga haatan talada Dalka haya ee AK Part.

Dhinaca kale Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo inta uu ku sugan yahay dalka Turkiga waxa uu kulamo kala duwan uu la yeelan doonaa Madaxda dalka Turkiga iyo Ganacsatadda dalkaasi.

Kulanka uu la yeelan doono Madaxweyne Farmaajo Madaxda dalka Turkiga iyo Ganacsatadda dalkaasi ayaa waxa uu ku soo aadayaa xilli ay xoogeysatay Xiisadda u dhaxeysa Turkiga iyo Mareykanka.

 

Get real time updates directly on you device, subscribe now.

Comments are closed.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More

Do NOT follow this link or you will be banned from the site!