
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Maxamed Farmaajo ayaa markii ugu horreysay fariisin ka dhigtay meel ka baxsan Villa Soomaaliya gaar ahaan Xarunta Wasaaradda Gaashaandhiga Soomaaliya.
Mudane Madaxweyne Farmaajo ayaa hoosta ka xariiqay in waqtigiisa ugu badan uu ku bixin doono Ciidamada , sidoo kalana dhaqaalaha dowladda ugu badan lagu dar dar galin doono howlgallada Ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed inta Al Shabaab looga saarayo deegaanada ay dalka kaga sugan yihiin.
Hadalka Madaxweynaha ayaa yimid xilli inta badan Bulsho weynta Soomaaliyeed ay u dheg taagayeen meesha uu ku dambeeyay howlgal ka dhan ah Al Shabaab oo wixii ka dambeeyay weerarkii 14 October ka dhacay Isgoyska Zoobe ee degmada hodan ay Iclaamisay dowladda uu majaraha u hayo Madaxweyne Farmaajo.
Tallaabadaan ayaa markii uu ku dhawaaqay Madaxweynaha ee ku aadan in uu waqti iyo dhaqaalo badan ku bixinayo Ciidamada la dhacay Saraakiisha iyo Ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed kuwaas iyadoo sacab uu isqabsaday Hoolka uu Khudbadda ka jeedinayay Madaxweyne Farmaajo ee Wasaaradda Gaashaandhiga
Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa intii uu ku guda jiray Ololihiisa doorashada waxyaabihii uu ballan qaaday waxaa ka mid ahaa in Nabad ku soo dabaalayo dalka islamarkaana dowladdiisu gacan bir ah ku qaban doonto Al Shabaab sida uu yiri xilligaas.